Ruushka oo Mareykanka iyo Shiinaha kula tartamaya maalgashiga Africa

Image

MOSCOW - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa toddobaadkan lagu wadaa inuu martigeliyo tobaneeyo hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ku yeelan doona magaalada quruxda badan ee Sochi shir loogu gogol xaarayo sameynta Isbahaysigii ugu horeeyay tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeeti.

In ka badan 50 madax Afrikaan ah ayaa lagu casuumay kulanka labada maalmood soconaya, oo loo arko mid Ruushka kaga hortagayo saameynta Shiinaha, Mareykanka, Yurub iyo Japan ee qaaradda Africa.

Putin, oo haya xukunka Ruushka in ka badan labaatan sano wuxuu indhaha ku hayaa iskaashi milateri iyo mid ganacsi la sameeyo Africa, si loo xoojiyo dhaqaalaha dalkiisa sannadaha soo socda.

“Shirkadaha Ruushku waxay diyaar u yihiin inay la wadaagaan kuwa Afrika horumarkooda xagga sayniska iyo teknolojiyadda iyo khibradda casriyeynta tamarta, gaadiidka, iyo kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayay shir uu ku shaacinayay danaha ganacsi ee Moscow ee qaaradda Africa.

Martigelinta Ruushka ee shirkii ugu horreeyay ee ay la yeesho Afrika Oktoobar 23-24 ayaa muujinaya sida ay Moscow uga go'an tahay in ay hesho qayb ka mid ah maalgashiga qaaradda kadib dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Ruushka ayaa doonaya inuu tartan la galo Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo Midowga Yurub, oo shirar u qabta hogaamiyeyaasha Africa, sidoo kalena maalgashiyo kale duwan, oo xooggan ku sameynaya qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM