Ruushka iyo Itoobiya oo isku fahmay iskaashi laba geesood ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Vladimir Putin oo Moscow ku kulmay ayaa isla meel-dhigay iskaashi ay ka yeesheen ciidanka iyo dhaqaalaha.

Xafiiska wasiirka koowaad ee Addis Ababa ayaa shaaca ka qaadey in is-afgaradka labadda dhinac ay hogaamiyeyaasha qalinka ku duugeen.

Dhinaca kale, Abiy ayaa la fariistay madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, oo ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin dhismaha biyo xireenka xiisada ka dhex-qarxiyey.

"Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ku nuux-nuux saday in hadafka dhismaha uusan ahayn waxyeelayn," ayuu ku daray bayaanka.

Kulamaddan ayaa dhacay markii madaxdu ka qeybgashay shirweynaha iskaashiga Ruushka iyo qaaradda Afrika.

Isaga oo ka hadlayey shirka, Abiy ayaa cod dheer wuxuu ku qeexay in ay ka go’an tahay horumarka iyo is-dhexgalka wadamada aduunka.

Xoojinta xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale oo ay yeeshaan Afrika iyo Ruuska ayuu ku qeexay mid horusocod u keenaysa mandiqada.

Ugu dambeyntii, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Cali oo sanadkan ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka ayaa wuxuu dib ugu laabtay Addis Ababa kadib gabagabda shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM