Rwanda oo beenisay eedeymaha QM ee ku saabsan ka qaybgalka dilka shacabka ee bariga Congo

Image

Kigali – Dowladda Rwanda ayaa Isniintii si adag u beenisay eedeymo ay soo saartay Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR), kuwaasoo sheegayay in ciidamada Rwanda ay gacan ka geysteen dilal ay M23 u geysteen boqolaal qof oo rayid ah gudaha bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Warbixin ay soo saartay OHCHR ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 319 qof lagu dilay weerarro ka dhacay afar tuulo oo katirsan gobolka Kivu-da-Waqooyi, intii u dhaxeysay 9 ilaa 21-ka Luulyo, iyadoo dadkaasi lagu laayey beero ku yaalla deegaanka Rutshuru.

OHCHR ayaa sheegtay in dagaalyahannada M23 ay falkan gaysteen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Rwanda.

Balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “aan la aqbali karin” iyo “been abuur cad”.

Rwanda ayaa sidoo kale ku eedeysay hay’adda xuquuqda aadanaha ee QM in ay “ayadoon caddayn haynin” isku dayayso in ay wiiqdo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan bariga Congo.

Bishii Luulyo, dowladda Congo iyo kooxda M23 ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha ee dalka Qatar heshiis hordhac ah oo ay ku oggolaadeen xabbad-joojin joogto ah, kadib toddobaadyo wadahadallo ah.

Si kastaba, iska horimaadyo ayaa weli ka sii socda dhulka, taasoo khatar gelin karta rajada laga qabo in la gaaro heshiis nabadeed rasmi ah ka hor 18-ka Agoosto.

Qaar ka mid ah warbixinadii hore ee QM ayaa Rwanda ku eedeeyay in ay si toos ah u dirayso kumanaan askari, hub iyo sahay si ay u taageerto M23, hase yeeshee Kigali mar walba way iska fogeysay eedeymahaasi.

Mid ka mid ah shuruudaha heshiiska la filayo waa ilaalinta shacabka iyo in si nabad ah dib ugu laabtaan malaayiinta barakacayaasha ah ee colaadahaasi saameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM

Shiinaha oo xoojinaya saameynta Geeska Afrika xili Israel kusoo biirtay tartanka Gobolka

Tareenka ayaa si weyn loo arkaa inuu yahay iska-celin u ah Waddada Lobito ee ay taageeraan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 08:50AM