Sababta muranka culus uga taagan yahay biyo xidheenka wabiga Nile

Image
Is-qabqabsiga ayaa soo bilowday sanadkii 2011-kii iyadda oo ay fashilmeen dadaalo diblumaasiyadeed.

QAAHIRA, Masar - Dowladda Masar ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay u dhistay biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ee loo yaqaan 'Gerd' si ay meesha uga saarto saamigii ay ku lahayd mashruucaan ballaaran.

Tani waxay ka bilaabatay 2011-kii webiga Niilka Buluuga ah ee ku yaal buuraleyda waqooyi-galbeed ee Itoobiya, halkaas oo 85% biyaha wabiga Niil ay ka soo qulqulaan.

Masar waxa ay sheegtay in Itoobiya ay mashruucan hore u sii waday iyada oo si buuxda “iska indho tireysa” danaha iyo xuquuqda dalalka hoose iyo ammaankooda biyaha.

Waxa kale oo ay ku doodday in 2% hoos u dhaca biyaha wabiga Niil ay keeni karto in ay lumiyaan ku dhawaad ​​200,000 acres (81,000 hektar) oo ah dhul waraab ah.

Itoobiya biyo xidheenkan waxa loo arkaa in uu yahay hab kacaanka dalka iyada oo 60% dadka u soo saaraya koronto iyo in uu si joogto ah u shaqeeyo ganacsiyada.

Dadaaladii dublamaasiyadeed ee u dambeeyay ee lagu doonayay in lagu ogaado sida uu biya-xireenku u shaqeeyo – iyo in la go’aamiyo inta ay le’eg tahay biyaha qulqulaya ilaa Suudaan iyo Masar – ayaa burburay bishii December ee la soo dhaafay.

Sikastaba ha ahaatee, xiisadan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay horseedo dagaal fool ka fool ah oo dhexmara labada dal ee Itoobiya iyo Masar kuwaas oo haatan xoojinaya saameyntooda gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM