Sacuudiga oo xayiraad kusoo rogay xoolaha looga dhoofiyo Jabuuti

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Dowladda Sacuudiga ayaa gebi ahaanba waxay mamnuucay in wax xoolaha ah looga soo dhoofiyo Jabuuti, sidda ay baahisay saxaafadda maxaliga ah.

Wasaaradda Degaanka, Biyaha iyo Beeraha ayaa waxay shaaca ka qaadey in xoolaha Jabuuti ay ka diiwaan-gelisay kiisas la xiriira cudurka Rift Valley Rever.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, waxaa diiwaan-gelintan aad ugu kuur-gashay Hay'adda Caafimaadka Xoolaha Aduunka.

"Tusaaleynta waxay ku saabsan markab xoolo siday oo ka yimid Jabuuti oo max-suulka uusan noqon mid wanaagsan," ayaa lagu daray bayaanka.

Mamnuucista ayaa sidoo kale saameysay Xoolaha ka yimaada Suudaan, kuwaasoo looga shakisan yahay in ay qabaan isla cudurkaas.

Mas'uul u hadlay Suudaan ayaa wuxuu tilmaamay in 135 kiis oo RVF ah laga diiwaan-geliyey magaaladda Kassala, Badda Cas iyo waqoyga Darfur.

Sidda laga soo xigtay Wasaaradda, Sacuudiga ayaa kahor mamnuucista waxa kasoo dhoofsan jiray Suudaan 5 milyan oo Lo' ah, halka Jabuuti ay kaga yimaadaan 700,000. Xog-uruurinta waa sanadkii hore.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay mar sii horeysay xayiraad ay ugu soo rogtay xoolaha kaga yimaadda Soomaaliya.

"Wasaaraddu waxay bareysaa dal walba shaqsi ahaan shuruucda u degan si ay xoolo noogu soo dhoofiyaan," ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda.

Sacuudiga ayaa haysta suuqyo kale oo uu xoolo ka heli karo waxaana kamid ah; Khaliijka, Jordan, Uruguay, Eritrea, Ethiopia, Australia, New Zealand, Pakistan, Georgia, Portugal, Hungary iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM