Safiirka Mareykanka oo shaaciyey hadal waji gabax ku ah DFS

Image

NAIROBI, Kenya – Danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan kaga hadlay qaraarkii ay xukuumadda Nairobi u gudbisay UN-ka ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab kaasoo laga diiday.

Soomaaliya oo dhankeeda kasoo horjeestay soo jeedintaas ayaa sheegtay dowladdo ay ku jiraan Mareykanka ay ku taageereen qaraarkaas oo codsanaya in Al-Shabaab urur argagixiso oo caalami ah loo aqoonsado.

Hase ahaatee waxaa war ka duwan arrinkaas daboolka ka qaaday Kyle McCarter, kaasi oo carabka ku adkeeyay in dowladiisu ay si buuxda u taageertay qaraarkaas, wuxuuna xusay in Al-Shabaab u arkaan urur argagixiso.

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 751 ayaa dhinacyada qaadacay waxay ku doodayaan in uu waxyeeleynayo gargaarka bini'aadanimo ee dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

McCarter, safiirka xukuumadda Washington u fadhiya Nairobi, oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in ay xoojinayaan gulufka xagjiriinta.

"Ma jiraan wax su'aallo ah. Mareykanka wuxuu Al-Shabaab u arkaa argagixiso, waxa uuna adeegsan doonaa wax kasta oo qaraarka ku jira si uu u ciribtiro argagixisadda," ayuu u sheegay The Star.

Balse waxa uu wakiilku si cad u tibaaxay in Mareykanka uusan ku taageeri doonin Kenya in la jaro gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya.

"Waxaan rabaa in aan mid caddeyo codsiga Kenya ee qaraarka 1267 wuxuu meesha ka saaayaa gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya," ayuu raaciyey, isaga oo tilmaamaya in ay diidan yihiin arrintaas.

Kenya ayaa iska caabineysa Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadda wadankaas ay galeen Soomaaliya 2011-kii, iyaga oo dib kaga biiray howlgalka nabad-illaalinta Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM