Safiirka Mareykanka oo "ku maadeystay" hogaamiyeyaasha Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Danjiraha dowladda Mareykanka ku matala dalka Geeska Afrika dhaca ee Kenya ayaa Khamiistii waxa uu ku maadeystay madaxda dalka wadankaasi uu fadhigiisu yahay.

Kyle Mcarter, oo kasoo muuqday "Quraacda Ducadda Qaran ee Kenya", munaasabad sanadleh, ayaa bartiisa Twitter-ka hadalo cajiib ah.

Safiirka oo sii hadlaya ayaa sheegaya in hadafka ugu weyn ee kulanka ay tahay duco cafis dalbasho ah, taasoo warbaahinta wadankaasi ka banaanbaxday.

"Hogaamiyeyaasha Kenya oo ku duceysanayaan munaasada 17aad ee Quraacda Ducadda Qaran ayaa cafis u dalbanaya xootooyo ku talogal ah," ayuu ku yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay.

Wargeyska The Star ayaa ku sifeeyay hadalka diblumaasiga kasoo yeeray "mid lid ku ah qiimaha dhacdadaasi, isla markaana hoos u dhigeysa qaranka cusub".

"Waa bilaw wanaagsan oo ah in dalka lagu qaado waddada barwaaqada ah ee u qalmo, waa in dhammaanteen qayb ka noqdaan," ayuu dajiraha xusay.

Laba todobaad kahor ayay ahayd markii McCarter uu sheegay in dadka Kenya ay yihiin kuwa ku sifoobay musuq-maasuq, wuxuuna tibaaxay in aysan u qalmin in ay wadanka Mareykanka Taciliin u aadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM