Saraakiil lala xiriiriyey TPLF oo la amray in lasoo xiro

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga federaalka booliska Itoobiya ayaa Jimcadii wuxuu soo saarey amar lagu soo xirayo afartan [40] sarkaakiil hore iyo qaar baxsaday oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka, Ciidanka Difaaca iyo Bileyska.

Guddiga ayaa ku eedeeyay latuhunsaneyaasha in ay maleegeen afduubka askar ka tirsan Ciidanka Difaaca Itoobiya iyo xubno kamid ah bileyska federaalka.

Sidda ay ku warantay FANA oo kamid ah warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, falkaas qafaalashadda ah ayaa dhacay 5-tii November, 2020.

Hasa ahaatee, warbixinta laguma caddeyn goobta uu ka dhacay afduubka. Balse wararku waxay ku qeexayaan gobolka waqoyga ku yaala ee Tigrayga.

"Ayaga oo dhinac iska dhigay mas'uuliyaddii ay u idmadeen dowladda iyo dadka Itoobiya, waxay waajibaad kasoo qaatay cayayaanka nabad-diidka ah ee fadhigoodu yahay Tigray," ayaa lagu soo xiray qoraalka guddiga bileyska.

Tan iyo markii uu bishii hore qarxay dagaalka ciidanka dowlada iyo xoogaga TPLF, xukuumadda Addis Ababa ayaa soo saareysay amar lagu soo qabanayo hogaamiyeyaasha jabhadda iyadda oo cuskaneysa eedeymo kala duwan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa todobaadkii hore wuxuu iclaamiyey in lasoo gabagabeeyo howlgalka kadib markii ay qabsadeen caasimad Mekelle. Hasa ahaatee, xafiiskiisa wuxuu qiray in isku-dhacyo teel-teel ay dhacayaan.

TPLF ayaa hogaanka u haysay siyaasadda Itoobiya kahor inta uusan xukunka imaan Itoobiya 2018-kii. Xiisada ka bilaabatay is-qabqabsi siyaasadeed iyo mid doorasho ayaa u muuqatay in dhinacyadda u jiiday furimaha dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM