Sarkaal uu Abiy magacaabay oo laga soo celiyey gobolka Tigreeyga

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Taliye haysta darajada sareeyo guuto kaasoo ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, uu xil uga magacaabay gobolka waqoyga ku yaala ee Tigreeyga ayaa waxaa loo diidey in uu xilkaas la wareego.

Sarkaalkan milatari oo Addis Ababa ka dhoofay Khamiistii ayaa lagu wargeliyey in magacaabidiisa aysan ku fadhin sharciyad, sidda uu AFP u sheegay Getachew Reda, mas'uul sarre kana tirsan xisbul-xaakimka Tigreeyga.

Mr Reda oo xaqiijiyey in ay dib u soo celiyey Jeneraalkaas ayaa ku adkeystay in Abiy "uusan haysan muddo xileed uu jago ku magacaabo".

"Magacaabid kasta ama dhaqdhaqaaq milatari si guud waa wax aan la aqbali karin waqti xaadirkan, maxaa yeelay Abiy Axmed wuu ka dhamaadey muddo xileedkiisa," ayuu ku yiri wareysi uu telefoon ku bixiyey.

Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya ayaanan ka jawaabin codsiyo loo diray si ay uga falceliso ama u caddeyso mowqifkeeda talaabadan.

Mas'uuliyiinta Tigreeyga iyo xukuumadda Abiy ayaa madaxa iskula jira tan iyo markii ay dib u dhacdey doorashadii lagu wadday in ay dhacdo bisha August taasoo loo aaneeyay sababo la xiriira safmareenka Coronavirus.

Falanqeeyeyaasha oo ka digay cawaaqib ka dhalan kara hadii is-mari-waaga uu sii jiro bilooyinka soo aadan ayaa rumeysan in talaabadan cusub ay dab sii qabad-siineyso xiisada aan wali xalka loo helin ee labada dhinac.

Hay'adda International Crisis Group oo walaac ka muujisay xaalada sii xumaaneysa ee dhinacyaddan ayaa xustey in ay Itoobiya u horseedi karto dagaal qowmiyadeeda hadii aysan miiska wadahadalka isugu imaan.

Markii ay baaqatay doorashadda guud, Tigreeyga waxaa ka dhacdey doorasho u gaar ah taasoo ay kusoo xusheen Wakiilada baarlamaanka. Balse, maamulka Abiy wuxuu coddeyntaas ku qeexay mid aan sal iyo baar lahayn.

Hadaladda u badan hanjabaada ee hawada isku marinayaan ayaa si joogta ah u haysta warbaahinta tan iyo markii ay isa seegeen, waxaana laga cabsi qabaa in aakhiritaankii ay sababto Tigreeyga ku dhawaaqan madax-banaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shaqaale ka xirnaa diyaaradda Kenya Airways oo dib u helay xorriyadooda

Labadan shaqaale oo ka shaqaynayay xafiiska shirkadda diyaaradaha ee Kinshasa, ayaa la xidhay 19-kii Abriil.

  • Afrika

    07-05-2024

  • 03:38AM

Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

  • Afrika

    06-05-2024

  • 04:23AM