Shabaab oo gurigiisa "ku dishay" oday waayeel ah iyo neef Ari uu lahaa

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley loo maleynayo Al-Shabaab ayaa Jimcadda maanta ah degaanka Ijara ee ismaamulka Garissa ku toogtay oday 80-sano jir ah, kadib markii ay ku duuleen hoygiisa, sidda ay warisay warbaahinta.

Cabdullaahi Faarax ayaa lagu dhex-khaarijiyey hoygiisa oo ku yaala xaafadda Sangole, abaare salaadii Jimcaha kadib.

Nicodemus Ndalama, isu duwanaha ammaanka ee gobolka Waqooyi-Bari, ayaa Daily Nation u sheegay in gacan ku dhiigleyaasha oo ay ku raad-joogaan tiradoodu gaareysay shan illaa iyo tobban.

"Warbixinadda ayaa muujinaya in maleeyshiyaadka ay baadigoobayeen wiilka odayga waayeelka oo kamid ah bileyska keydka," ayuu raaciyey.

Falkaan ayuu xusay in uu dhacay iyaddoo laamaha ammaanka ay qorsheynayeen in ay raando ka bilaabaan aaga ay wax ka dhaceen.

Jaraa'idka kasoo baxay magaalada Nairobi ee The Nation ayaa ku waramay in dableyda ay goobta ku gowraceen neef Ari ah oo uu lahaa odayga waayeelka ah isla markaana ay horey usii qaateen hilibkiisa.

"Kadib markii kooxda weerarka soo qaadey ay waayeen bartilmaameedkooda waxay damceen in ay dilaan qof walba si ay uga tagaan fariin," ayuu ku daray Ndalama, oo ku goodiyey "talaabo adag".

Dhinaca kale, dagaalameyaal Al-Shabaab ah ayaa isku dayey in ay weeraraan xarun caafimaad oo ku taala degaanka Hulugho, balse waxay ku guuleysteen in ay waxyeelo gaarsiiyaan albaabka laga soo galo.

Gobolada Garissa, Wajir iyo Mandera oo xudun u noqdey dhaqdhaqaaqyadda xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa barakiciyey ajaaniibta. Si lamid ah, waxay sababeen in Kenya wax ka bedesho tirtirka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM

Hoggaamiyihii  Jabuuti oo geeriyooday, isagoo 91 jir ah

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhulka ee Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciise laga soo bilaabo 1967 illaa 1976.

  • Afrika

    17-12-2025

  • 07:13AM