Shaki laga muujiyey "caafimaadka" Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma, ayaa markii ugu horeysay todobaadyo kadib kasoo muuqatay shaashadaha.

Muuqaalka oo ahaa wareysi ay siisay Talafishinka K24 ayaa muujiyey in caafimaadkeeda "uusan ahayn mid aad u wanaagsan".

Bogga Kahawa Tungu, oo warbixin ka qoray sheekadan, ayaa sheegay in Juma uu "hoos u dhacay muuqaalkeeda, codkeeduna hooseeyay".

Warsidaha Garowe Online si madax banaan uma xaqiijin karo wararka sheegaya in Monica Juma "uusan caafimaadkeeda taam ahayn".

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadka Kenya oo ka falceliyey muuqaalka Juma ayaa muujiyey kala aragti duwanaan badan oo quseysa dhacdadan.

Qaarkood ayaa su'aal geliyey sababta uu Talafishinka wareysi ula yeelanayo "wasiir xanuunsan," wallow kuwa kale ay diideen eedeyntaas.

Sikastaba, Monica Juma ayaa kamid ah xubnaha ugu muhiimsan wasiiradda madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ay xulafo aad isugu dhow yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM