Shaqaale la socday markab siday macdan qaali ah oo la qafaashay

Image

PORTO-NOVO, Benin – Shirkad maraakiib oo reer Norway ah ayaa shaacisay in sagaal kamid ah shaqaalaheeda laga qafaashay mid kamid ah maraakiibteeda ka howlgaleysa xeebaha dalka Benin ee Galbeedka Afrika.

J.J. Ugland ayaa sheegtay in markabkeeda xamuulka, the Bonita, ay shufta badeed ku weerareen meel 15 KM u jirta xeebta.

Jinsiyadaha howladeenada lasoo bandhigin, balse, waxay shirkaddu leedahay in shaqaalaha kale ay ku sugan yihiin dekadda Cotonou ee isla waddankaas isla markaana xaaladoodu wanaagsan tahay.

Marka xamuulka ee la weeraray ayaa Benin u siday macdan loogu talagalay bacraminta dhirta, sidda ay shirkadu tiri.

Iyadda oo burcad badeeda aduunka hoos uga dhacay, gacanka Guinea, Galbkeed Afrika, waxaa wali ka jira dhacdooyinkaas.

Kooxda afduubadashada geysanayaa caadiyadan shuruud uga dhigay sii deynta laheysteyaasha bixinta madax furasho.

Bilooyinkii u dambeeyay fal-dambiyeedyo la xiriira qafaasho ayaa laga soo wariyay gobolka. Sideed badmaaxiye oo reer Germany iyo tobban kale oo u dhashay Turkiga ayaa August iyo July la xorriyadda laga qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM