Shir laga yeeshay dhakhaatiir lagu haysto Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Cuba oo tafaasiil cusub kasoo saartay dhakhaatiirta looga haysto Soomaaliya ayaa sheegtay in ay laba-jibaartay dedaaladda ay ku dooneyso in ay si nabdoon kusoo badbaadiso howlwadeenadaas caafimaad ee ku jira gacanta maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Sidda uu daabacay bogga Cubasi.cu, wasiirka caafimaadka Cuba, Portal Miranda, ayaa shaaca ka dhigay in dhigiisa Kenya uu kala xaajoodey dedaaladaas isla markaana rajo fiican laga qabo in si nabad ah ay dalkooda ugu laaban doonan dhakhaatiirtaas oo la qafaashay bishii April, 2019-kii.

Dhakhaatiirta oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodríguez Hernández ayaan la ogeyn goobta looga haysto Soomaaliya, balse waxay wararku xusayaan in lahaysteyaal ku yihiin koonfurta waddanka.

"Portal Miranda iyo Mutahi Kagwe ayaa dib-u-eegis ku sameeyay dedaaladii ugu dambeeyay ee iskaashiga labada waddan, iyadda oo wasiirka Kenya uu kaga mahadceliyey dhakhaatiirta Cuba ee ku sugan Kenya," ayuu bogga ku yiri warbixintiisa oo uu kusoo xigtay illo wareedyo muhiim ah.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Cuba ayaa dhowr jeer waxay horey u yeesheen wadahadalo ku saabsan qaabka ay si nabdoon qoysaskooda dib ula midoobi lahaayeen dhakhaatiirtaas lahaysteyaasha ah.

Warbaahinta Kenya ayaa horey u warisay in Al-Shabaab oo dhakhaatiirta ka qafaalatay gobolka waqooyi-bari dalkaas ay dalbatay lacag madax furasho ah, balse ay ku gacan-seyrtay xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi.

Dhamaadka sanadkii hore 2020 ayaa mar waxaa soo if-baxdey in dhakhaatiirta ay sii deysay Al-Shabaab, balse waxaa beeniyay sadexda dal.

Beegsiga iyo afduubka ajaaniibta ayaa kamid ah xeeladaha ay lacagta ku sameeyaan maleyshiyadda Al-Shabaab oo taliska sirdoonka Soomaaliya uu horey u shaaciyey in ay wajaheyso khilaaf dhexdeeda ah iskuna hayaan hogaankeeda maamulka maaliyadda iyo cidda bedeleysa "amiirkooda oo xanuunsanaya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Kenya oo u goodisay dhakhaatiir ku dhawaaqay shaqo joojin

Joojinta shaqada ayaa curyaamisay adeegyadii caafimaadka ee isbitaallada guud ee dalka.

  • Afrika

    25-04-2024

  • 03:45AM

Dad ay caruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Dhacdadan foosha xun ayaa noqonaysa musiibadii labaad ee noocaan ah muddo laba toddobaad gudahood ah.

  • Afrika

    24-04-2024

  • 05:35AM