Shir looga hadlaya joojinta colaadaha Africa oo ka furmay Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Hogaamiyeyaasha Africa ayaa maanta oo Axad ah ku shiraya magaaladda Addis Ababa, ee caasimadda Itoobiya, iyagoo kawada hadlaya dagaallada ka socda qaar kamida dalalka qaaradda Africa.

Shirka oo mudo labo maalmood ah [Axad iyo Isniin] soconaya ayaa hal-kudhig looga dhigay “joojinta dagaallada” ayaa madaxda Africa waxay isla eegi doonaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen colaadaha.

Hogaamiyeyaasha Africa, ayaa lagu dhaliilay inay ku fashilmeen hiigsi ay dejiyeen 2013, oo ahaa in 2020 marka la gaaro sanadka 2020-ka la dhameeyo dhamaan dagaallada qaaradda ka socda.

Gudoomiyaha gudiga Midowga Africa Chairman Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in qaaradda ay wahayso caqabado dhowr ah, oo ay kamid tahay khatarta kooxaha argagaxisada ku hayaan dalalka ku yaalla galbeedka iyo bariga Africa [Saaxil illaa Soomaaliya].

Ajandooyinka sidoo kale shirka looga hadli doono waxaa kamida dib u qaabeynta heykalka Ururka Midowga Africa ku dhisan yahay, gaar ahaan hanaanka dhaqaalaha iyo aagga ganacsiga xorta ah.

Inkastoo lagu guuleystay nabadda dalal ay kamid yihiin South Sudan iyo Central African Republic [dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe], haddana waxay dagaallo ka socdaan Libya tan iyo 2011 markii xukunka laga tuuray Qadaafi.

Colaadaha Africa waxay u diideen qaaradda inay sameyso horumar dhaqaale, iyadoo ka hartay qaaradaha kale ee caalamka, sida ay qireen hogaamiyeyaasha ku kulmaya maanta magaaladda Addis Ababa.

Xil-wareejin

Madaxweynaha South Africa, Cyril Ramaphosa ayaa la filayaa inuu xilka gudoomiyaha midowga Africa kala wareeggo dhigiisa Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo mudo hal sano ah hayay jagada sanadkiiba dal loo dhiibo.

Khilaafyada ka jira dalalka gudahooda iyo dhaqaale la’aanta soo wajahday ciidamada nabad ilaalinta sidii wax looga qaban lahaa, ayaa udub dhexaad u ah shaqooyinka horyaalla hogaanka cusub.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxda Africa ay ku kala qeybsameen arinta Libya, iyadoo Masar ay diiday in Ururka uu farageliyo arrimaha dalkan dhaca waqooyiga qaaradda Africa, oo ay faragelin ku hayaan dalalka Khaliijka Carabta iyo kuwa reer galbeedka.

Xoghayaha guud ee UN-ka, Antonio Guterres ayaa ugu baaqay madaxda Africa inay meel iska dhigaan muranka dhexdooda ah, islamarkaana xoogga isagu geeyaan inay xal nabadeed u raadiyaan colaadda Libya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kamaida hogaamiyeyaasha ku sugan Addis Ababa ee ka qeybgalaya kulanka Midowga Africa, kaasoo furmay maanta, berrinaha lasoo xirayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM