Shirkad laga leeyahay Qadar oo shidaal u soo saareysa Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Shirkadda Shidaalka ee Qadar ayaa heshiis shidaal looga soo saarayo saddex xirmo waxay la gashay dowladda Kenya, sidda ay shirkaddaasi ku shaacisay war-saxaafadeed.

Xirmooyinkaasi oo la sheegay in ay ku jiraan shidaalka Basiinka ayaa waxay ku yaaliin is-maamulka xeebta ah ee Lamu, kaasi oo dhaca bariga waddanka ku yaala Geeska qaaradda Afrika.

Shirkadda Eni ayaa ka howlgaleysa xirmooyinka, sidda ku xusan bayaanka, oo lagu sheegay in Qatar Petroleum ay ku leedahay saami dhan 33.75%, Eni ay heli doonto 41.25%, halka qeybta kale ay leedahay dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu caddeeyay in baarlamaanka waddanka Kenya uu meel-mariyey heshiiska lala galay shirkadaasi.

Wasiirka Tamarta Qadar, Saad bin Sherida al-Kaabi, ayaa carabka ku adkeeyay in ay sare u qaadayan cilaaqaadka kala dhaxeeya xukuumadda Nairobi.

"Tani waxay xoojineysaa joogitaankeena qaaradda Afrika," ayuu raaciyey Saad bin Sherida al-Kaabi oo sidoo kale Madaxa Fulinta ee Qatar Petroleum.

Goobta shidaalka Basiinka laga soo saarayo ayaa waxaa badkeeda lagu sheegay 15 KM oo isku wareeg ah.

Heshiiskan ayaa imaanayaa iyadda oo Soomaaliya iyo Kenya ay dhextaalo dacwad dhanka badda ah, taasi oo ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka bisha September ay dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskaasi.

Dowladahan deriska ah ayaa isku haya xuduud dhul-badeed badkeeda lagu sheegay 169-KM oo isku wareeg ah, goobtaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah, sida shidaalka iyo Gaaska naqaska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM