Shixnad loo waday ciidamada Jarmalka oo "lagu xaday" Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Shixnad maasgaro ah oo dhan lix milyan isla markaana loo wadday ciidamadda Jarmalka ayaa waxaa lagu waayey garoonka diyaaradaha Nairobi, caasimadda Kenya, sidda ay qortay saxaafadda.

Majaladda afka dheer ee Der Spiegel ayaa daabacday in qorshuhu ahaa in shixnadaas ay gaarto Germany taariikhdu marka ay tahay 20 Maaj.

Balse, jaraa'idka ma uusan fahfaahin qaabka ay shixnada ku timid magaalada Nairobi ama halka xukuumadda Berlin kasoo daabushay agabka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Jarmalka ayaa ku adkeystay in ay baarayaan kiiska, wallow ay shaki gelisay "in la xadday".

Maamulka garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta International oo baarey sheegashadaas ayaa tilmaamay in aysan jirin shixnad labadii todobaad ee lasoo dhaafay lagu waayey madaarka.

Warsaxaafadeed deg-deg ah oo ayay ku sheegeen "in ay been abuur tahay" wararka ku saabsan in garoonka lagu la'yahay qalabkaas.

Sidda ku xusan warbixinta wargeyska Der Spiegel, shixnadaas waxaa loogu talagalay in lagula tacaalo faafitaanka xanuunka COVDI-19.

Jarmalka ayaa kamid ah wadamada uu sidda ba'an u saameeyay Coronavirus. Kiiska waxay ka badan yihiin 30-kun, halka geeridu ay ilaa iyo haatan kor-u-dhaafeyso 130, wallow ay kordhi karto.

Kenya oo xaqiijisay kiisas gaaraya 25 ayaanan wali soo warin wax dhimasho ah. Balse wuxuu dalku mamnuucay duulimaadyadda iyo isu-imaatinka. Hase ahaatee, lama joojin wali qeybta xamuulka.

Guud ahaan caalamka, caabuqaas asal ahaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha wuxuu soo ritay in ka badan 330-kun oo ruux, waxaana uu galaaftey ku dhowaad 13-kun oo kale, kuwaasoo u badan dad waayeel ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM