Shuruudaha lagu soo xulo askarta Kenya u soo direyso Soomaaliya
NAIROBI, Kenya – Marka ay timaado daabulitaanka ciidamo lagu dirayo danaha qaranka, mas'uuliyiinta milatariga ciidanka difaaca Kenya lama siiyo wax fursad ah, taas bedelkeeda waxaa go'aan ka gaaraya Taliska Ciidanka Cirka.
Mareegga Kenyans.co.ke ayaa illo wareedyo kasoo xigtay in saraakiisha milatariga ay adeegsadaan istaraatiijiyad nuxurkeedu yahay "ka go'naanshiyo guul" si ay u xushaan askarta hal jeer loo wada dirayo goobaha dagaalka.
Jaraa'idka ayaa xusay in marka hore la xulanayo saraakiisha ugu sareysa ee hogaamineysa howlgalka, kuwaas oo kadib fahfaahinaya ujeedooyinka iyo hadafyadda laga la damacsan yahay.
Macluumaadkaas la uruuriyey ayaa kadib loo gudbinayaa taliska guud oo kadibna guda geli doona kala xulashadda askarta iyadda oo loo eegayo shaqsi-shaqsi, sidda uu ku waramay mareega oo kamid ah kuwa ugu afka dheer Kenya.
"Taliyeyaasha ayaa kadib go'aansan doona arrimo leysla ogol yahay oo looga baahan yahay doorka looga baahan yahay in qofka cayaaro iyo kaalinta xigta oo ku xiran xaaladda," ayuu yiri qofka xogta dusiyey oo magaciisa qariyey.
Qofka lasoo dhigtay ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Halkaas ayayna ka bilaabataa xulashadda qofka loo baahan yahay illaa iyo laga gaaro shaqsiga ugu dambeeyay ee guutadda".
Xulashadda ayaa, sidda ku xusan warbixinta joornaalka, waxay ku xiran tahay arrimo dhowr ah, iyadda oo xisaabta lagu darsanayo "cadowga" ay wajahayaan, ahdaafta howlgalka iyo dhulka ay wajahayaan ee fagaaraha dagaalka.
"Hadii aad aadeyso Soomaaliya, waxaad u baahan tahay diyaar dagaal, taas oo la macno ah waxaad u baahan tahay duuliye iyo Injineero diyaaradeed oo wehliya diyaaradda," ayuu ku sharaxay.
Mas'uulka akhbaartaan banaanka soo dhigay ayaa wuxuu ku daray: "Lama dhihi karo howlgalka qaybo kamid ah waddanka looma baahnaan karo sahay. Labadda xaaladood, shaqsiyaadka loo daabulayo wey is-bedbdeli doonan".
Askariga ayaa la siin doonaa door qayaxan oo looga baahan yahay isaga/iyadda inta howlgalka kasoo gabagaboobayo ama illaa iyo xaaladda taliska uu isbedel balaaran uu ku imaanayo, sidda uu ka dhawaajiyey wargeyska.
"Askarta qaarkood waa waajib in ay leeyihiin xirfad la xiriirta cilad bixinta diyaaradaha, qaar kale waa in ay yaqaanaan baaritaanada caafimaadka ee cilmyeysan kuwa kalena waa in ay ku xeel-dheer yihiin juqraafiga ciidanka".
Ciidamadda Kenya oo Soomaaliya soo galay sanadka markii uu ahaa 2011-kii ayaa qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo magaca AMISOM kaasoo dagaal kula jira xoogaga Al-Shabaab.
"Iyadda oo ay ku xiran tahay meesha uu midkood ku wajahana yahay iyo xirfadda loo baahan yahay, daabulitaanka waxaa mar kasta ay ku tiirsan tahay arrimo aqoon," ayuu sharaxaad dheeraad ah ku bixiyey.
Ilo wareedka ayaa sidoo kale ku waramay in daabulista askarta ay mararka qaar ku xirnaan doonto nooca waxbarasho ee askarigu ku bartay akadeemiyada militariga maadaama ay la xiriirto aqoontiisa guud ahaaneed ee ciidanka.
GAROWE ONLINE