Siyaasiyiin loo xiray afgembigii dalka Itoobiya iyo xaaladda oo wali kacsan

Image

ADDIS ABABA - Booliska Itoobiya ayaa xiray 56 qof oo xubno ka ah xisbiga siyaasadeed ee Amxaarada kadib afgambigii fashilmay ee la doonayey in lagula wareego awoooda gobolka, waxaa sidaas sheegay afhayeenka xisbiga.

Xariga ayaa ka dhacay magaalada Addis-Ababa, sida uu sheegay Christian Tadele oo ah afhayeenka Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NaMa), oo ah xisbi caan ka ah qowmiyadaas, oo ah 25% dadka Itoobiya.

"Ololaha lagu xiray xubnaha NaMa iyo taageerayaashooda ma ahan kaliya mid ka dhan ah xisbiga balse sidoo kale waa weerar ku salaysan isir” ayuu Christian u sheegay AFP.

Tan iyo markii la aas-aasay sanadii tagtay, xisbigan ayaa loo arkay kan ugu xooggan ee la loolami kara xisbi kale oo Amxaaro ah oo ku jira isbahayasiga talada dalka haya ee EPRDF.

Xisbigan ayaa cambaareeyey rabshadihii gobolka ka dhacay sabtidii tagtay ee la doonayey in lagu afgambiyo dowladda gobolka, waxayna beeniyeen inay ku lug lahaayeen.

Boolika iyo xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaan wax jawaab ah ka bixin xariga la sheegay in xubnaha Amxaarada loo gaystay.

Rag hubaysan ayaa sabtidii toogasho ku dilay labada sarkaal ee ugu sarreeya militariga Itoobiya iyo saddexda mas’uul ee ugu sarreeya gobolka Amxaarada, taasi oo dowladda ay ku qeexday afgambi goboleed fashilmay.

Tobaneeyo qof oo kale ayaa lagu dilay magaalada caasimadda u ah gobolka Amxaarada ee Bahir Dar kadib afgambigii fashilmay markii maleeshiyo hubaysan ay weerareen xarunta booliska, xarunta xisbiga haya talada iyo xafiiska madaxweynaha gobolka.

Dowladda ayaa madaxa amniga gobolka, Jeneral Asamnew Tsige oo qowmiyadda Amxaarada ka tirsan, ku eedeysay inuu ka dambeeyey isku dayga afgambi. Ciidamada dowladda ayaa dilay Isniintii.

Adeeggii Internet-ka ayaa la sheegay in lasoo celiyay balse wali ay jirto xaaladda kacsan, iyadoo ciidamada ay ku jiraan howlgallo lagu qabqabanayo dadkii ku lugta lahaa afgembiga.

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM