Soomaali-Ameerikaan "la qafaashay" oo meydkiisa la helay

Image

NAIROBI, Kenya - Bashiir Maxamed Maxamuud, ganacsadaha Soomaali-Ameerikaanka ah ee asbuucii hore lagu waayey caasimada Kenya ee Nairobi, ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay goob meydadka lagu keydiyo.

Qoyska waxay sheegeen in aysan duugi doonin illaa cadaaladda ay shaqeyso. Marxuumka waxaa la qafaashay 9 maalmood kahor xilli uu Ciidul Fidriga la dabaaldegayey qoyskiisa.

Wararku waxay tilmaamayaan in baaritaan lagu sameeyay jirka Bashiir ay muujinayaan in la jirdilay kahor geerida. Waxyeelada ka dhalatay faasas iyo labo xabadood oo madaxa ah ayaa la sheegay in la arkay.

Bashiir oo 36 jir ah waa Injineer Soomaali-Mareykan ah oo xagga dhismaha ka shaqeeya. Waxaa la sheegay inuu kamid yahay qandaraasleyaasha mashruuc ay dowladu Kenya ka fulisay Kisumu sanadkii lasoo dhaafay.

Saaxiibbadiis ayaa laga soo xigtay in ay sheegeen in shirkadiisa ay ka shaqeysay arrimaha; dhismaha guriyaha, kireyntooda iyo naqshadeynta guryaha. Wuxuu deganaa Gobolka Ohio ee waddanka Mareykanka.

Majalada The Star ayaa xustey in Bashiir uu la noolaa xaaskiisa iyo caruurtiisa. Wuxuu asal ahaan kasoo jeeday magaalada Belad-Xaawo, gobola Gedo ee Soomaaliya ka hor inta uusan u guurin Mareykanka.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa, sida ku xusan warbixinta Jariiradda, waxay daaha ka rogeen inuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ku lugta lahaa ismari-waaga siyaasadeed ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya.

Taliyaha booliska Nairobi, Augustine Nthumbi, ayaa ku gaabsaday in baaritaanada ay wali socdaan. "Wali wax natiijo ah kama gaarin halka uu ku sugan yahay laakiin baaritaanada ayaa socda," ayuu kusoo koobay hadala.

"Waxaa suurtagal ah in shaqsiyaad ku dhow ama uu yaqaano isaga ay ka dambeeyaan tan laakiin ma ogin ujeedka weli," ayuu yiri baare magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan in qadiyadda ay tahay "mid si ballaaran xasaasi u ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM