Soomaali lagu dilay weerar ka dhacay dadka Kenya iyo Uganda

Image
Dadka la laayay oo dhamaantood ahaa dhalinyaro wax ku baranaysay dalalka Uganda iyo Kenya.

NAIROBI, Kenya - Saddex qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay 7 kalena waa lagu dhaawacay weerar xooggan oo ka dhacay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Dadka la laayay oo dhamaantood ahaa dhalinyaro wax ku baranaysay dalalka Uganda iyo Kenya ayaa waxaa weeraray dad careysan oo watay seefo iyo ulo.

Weerarkan ayaa dhacay Jimcihii la soo dhaafay markii dhibanayaasha oo gaari yar ka soo ambabaxay magaalada Nairobi kuna sii jeeday magaalada Kampala ee dalka Uganda, ay waayeen meel ay maraan, kadibna ay ku dhamaadeen tuulo.

Dadka deegaanka oo ku hubeysnaa seefo iyo budad, ayaa dhalinyarada kala baxay gaarigii ay wateen, kadibna ay la dhaceen, sida uu sheegay mid ka mid ah ehelada marxuumka.

Darawalkii ayaa istaagay si uu u weydiiyo tilmaamaha markii dadka deegaanka ay weerareen, ehelladooda ayaa sheegay.

Weerarkan ayaa cabsi weyn ku abuuray dadka Soomaaliyeed ee isaga kala goosha labada dal, waxaana uu sababay in la joojiyo gaadiidkii ay Soomaalida isaga kala gooshi jireen dalalka Uganda iyo Kenya.

Qoysaska dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay cadaaladda u raadiso eheladooda oo ay sheegeen in si xaqdarro ah loogu dilay laguna dhaawacay xilli ay safar ku jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM