Soomaali maxkamad loosoo taagayo "fal sharci daro ah"

Image

NAIROBI, Kenya – Toddoba qof oo asalkoodu Soomaali yahay oo la rumaysan yahay "inay si sharci-darro ah ku joogeen waddanka Kenya" ayaa la qabtay iyaga oo u safraya magaalada Nairobi, sida saxaafadu warisay.

Toddobada qof ayaa, sida ku xusan warbixinadda, waxaa la qabtay Khamiistii intii lagu jiray hawlgal ay hay'ado badan ka wadeen wadada weyn ee Thika-Garrisa.

Isaga oo saxaafada la hadlaya, Taliyaha Bilayska ee Bartamaha Gobolka Mwingi, Peter Mutuma, ayaa sheegay in toddobada qof la qabtay iyaga oo ku safraya bas isku xidha Dhadhaab - Garrisa - Nairobi.

"Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay baska ka raaceen Dhadhaab waxayna u safrayeen Nairobi mana aysan haysan wax dukumiinti ah oo ay ku safrayaan," ayuu yiri taliyaha bilayska Sub County.

Toddobada muwaadin ee Soomaaliyeed ayaa kala ahaa Cabdi Casiis oo 22 jir ah, Fatuma Sahara oo 29 jir ah, Saalim Shukri Sheekh 17 jir ah. Kuwa kale waa carruur ka yar 10-sano jir.

Sarkaalka booliiska ee maamul-goboleedka ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku xuseen in saddexdan ruux ay ku jiraan gacanta saldhiga booliska ee Mwingi.

Sidoo kale waxaa xabsiga ku jira darawalkii baska ee Bishal Mohamed Babuya oo ka tirsan shirkadda Salman Grand Sacco oo iska leh gaariga lagala soo tagay shaqsiyaadkan.

Booliiska ayaa tibaaxay in eedeysanayaasha la soo taagi doono maxkamada Mwingi si ay u wajahaan dacwado la xiriira inay sharci daro ku joogeen dalka.

Darawalka baska ayaa sidoo kale wuxuu wajahaya eedeymo ah inuu ka caawiyey shaqsiyaadkan inay si sharci darro ah ku soo galaan waddanka Kenya.

Saraakiisha amniga ayaa tuhunsan in toddobada qof ay ka soo galeen dalka deriska la ah Soomaaliya iyagoo ka soo gudbay xadka Dhadhaab. Sikastaba, baaritaanada bilowday waa la baahinayaan maxsuulkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM