"Soomaaliya ayaa ugu cad-cad in ay ku guuleysato dacwad badda"

Image

NAIROBI, Kenya – Iyadda oo ay saxaafadda Kenya labalaabtey olalaha u muuqda mid abaabulan kaasi oo ku taageerayaan dowladooda, haddana wargeys kamida kuwa afka dheer ayaa sheeko taasi ka duwan daabacay.

The Standard oo faalo dheer qoray ciwaanna looga digay "shisheeye ayaa karkarinaya xiisada Soomaaliya-Kenya" wuxuu si cad u qiray in xukuumada Nairobi aysan ugu cad-cadeen in ay ku guuleysato dacwada badda.

Sidda ku xusan maqaalka, sababo dhowr ah baa jira oo arrintan ay ka dambeyso, balse waxaa warbixinta lagu sheegay in ay tahay Kenya oo aanan xiriir wanaagsan la lahayn Maxkamada Dambiyadda Caalamiga ah ee ICC.

Qareenadda Soomaaliya ku metala kiiskan oo dhankooda kalsooni ku qaba gal-dacwadeedka ay gudbiyeen ayaa carabka ku adkeeyay in ay difaacan doonan doodooda.

Jaraa'idka ayaa shaaca ka qaadey in Maxkamada Cadaaladda Aduunka oo bisha September dib u bilaabeyso dhageysiga kiiska ay u xukmin doonto dhanka waddanka leh xeebta ugu dheer Afrika.

"Waxaa jira shaqsiyaad [wadamo] kuwaasi oo [garab-siinaya] madaxweyne Farmaajo," ayaa lagu yiri warbixinta, oo intaasi raacineysa "Kenya [oo wada hadal dooneysa] ma heli doonto cadaaladda ay u qalanto".

Maqaalka oo tooshka ku ifiyey in Soomaaliya ay taageero ka helayso wadamo waaweyn oo aanan la magacaabin ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu xiisada badda "u adeegsaneyo olalah doorashada 2020".

Hadii ay maxkamadda ICJ u xukmiso in ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwadda, Kenya ayaa noqon doonto wadan aanan bad lahayn, taasi oo la macno ah in kaliya ay yeelan doonan xeebab.

Sidda lagu sheegay maqaalka, si lamid ah waxay tanni ka dhignaan doontaa in ay Kenya badali doonto xuduudka ay la leedahay Tanzania, oo ay haatan isku haystaan muran badeed, una muuqato in ay u sii dhowaaneyso.

"Shaki la'aan waa ay iska cadahay in Maxkamada u xukmin doonto Soomaaliya, Kenya-na ay haysan doonto dekado iyo bad aad ugu dhow Soomaaliya, taasi oo keenaysay khatar barcad-badeed iyo AlShabaab," ayaa lagu yiri.

Labada dowladood ee deriska ayaa dacwadooda salka ku haysa goob badkeeda lagu sheegay 100 kilometer oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sida Saliida iyo Gaaska.

Xiisada dhanka badda oo taagan tan iyo 2014-kii markaasi oo ay Soomaaliya dacwada gudbisay ayna tan iyo xiligaasi Kenya waday cadaadis ay wada xaajood ku dooneyso ayaa mad-madow gelisay xiriirka labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM