Soomaaliya iyo Jabuuti oo shir degdeg ah isugu yeeraya IGAD

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan xubnaha Urur Goboleedka IGAD, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diblumaasiyadeed.

Diblumaasiyiinta dalalkan ayaa rumeysan in kulankan uu muhiim tahay kahor inta aan lagu dhawaaqin xubnaha qabanaya jagooyinka muhiimka u ah hab-sami u socodka shaqooyinka ururka IGAD.

Xilalkan oo khilaaf uu ka taagan yahay ayaa waxay kala yihiin Gudoomiyaha guud iyo Xoghayaha Fulinta oo la magacaabay.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku haysta xilka Xoghayaha Fulinta, halka Jabuuti iyo Kenya ay isku hayaan jagada kale.

Workeneh Gebeyehu, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxaa loo xushay in uu noqdo Xoghayaha Fulinta.

Magacaabida Gebeyehu ayaa meesha ka saartay rajadii Soomaaliya oo kamid ahayd dowladihii aas-aasey urur goboleedkan.

Kaliya waxaa haatan soo haray xilka Gudoomiyaha, kasoo la aaminsan yahay in ay Kenya ugu cad-cadahay in loo caleema saaro.

Xukuumadaha Muqdisho iyo Jabuuti ayaa "qaadacay sida ay haatan wax u socdaan" wallow aysan si furan u muujin caradooda, waxaa la aaminsan yahay in ay kulanka degdeg ah kusoo bandhigayaan.

Kenya iyo Itoobiya oo qudhooda ka war-haya diidmada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si xeeladeysan u hirgelinaya qorshahooda.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa nan la ogayn hadii wadamada xubnaha ka ah IGAD ay aqbali doonan soo jeedinta Soomaaliya iyo Jabuuti, maadaama qorshuhu in shir kale ay madaxdu yeeshaan bishan October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM