Soomaaliya oo sabab u noqotay dib u dhigista kiiska dil ka dhacay Canada
CAPE TOWN, South Africa – Gal-dacwadeedka saddex qof oo lagu eedeeyay dilka laba beeraley British ah ayaa dib loo dhigay illaa iyo bisha dambe, sidda ay qoreyso saxaafadda maxaliga ah.
Aslam del Vecchio, Fatima Patel iyo Ahmad Mussa oo looga shakisan yahay Daacishnimo ayaa Arbacadii kasoo muuqday Maxkamadda magaaladda Verulam ee Koonfur Afrika.
Khaarjinta Rachel iyo Rodney ayaa bishii Febraayo ee sanadkii hore 2018-kii ka dhex-dhacay dugsiyadda sarre ee Saunders.
Iskuulka ayaa ku yaala magaaladda London oo Koonfur Galbeed kaga taala gobolka Ontario ee waddanka Canada.
Si lamid ah, waxay wajahayaan dacwado la xiriira afduub, jebinta sharciga la dagaalanka argagixisadda iyo dhac hubeysan.
Maadaama aysan horey u lahayn, eedeysaneyaasha ayaa qabsaday qareen isku deyi doona in uu ka difaaco eedeymaha loo haysto.
Dacwad-oogeyaasha ayaa soo jeediyay in kiiskan dib loo dhigo illaa iyo bisha Febraayo ee sanadka dambe 2020-ka. Balse waa laga diidey.
Caawimaad
Qareenka oo ka digay dib u dhigis kale ayaa sheegay in Muuse "loola dhaqmay si aan fiicneyn" intii uu xabsiga kahor inta uusan maxkamadda kasoo muuqan.
Del Vecchio ayuu cod dheer daboolka uga qaaday in la geliyay goobaha lagu xiray dambiileyaasha xili aanan lagu helin wax dambi ah.
Xeer-ilaalinta oo sharaxaad ka bixisay sababta ay u doonayaan dib u dhigista ayaa tilmaamay in ay u baahan yihiin baaritaano dheeraad ah.
Si lamid ah, waxay qeexayaan in ay u baahan yihiin caawimaad ay ka helaan dowladaha Holland iyo Soomaaliya.
Waxyaabaha baarista u baahan waxaa kamid ah in eedeysaneyaasha ay haysteen warbixino Bangi oo wadamadaas ka yimaaday.
Qaadiga maxkamadda, Irfaan Khalil, ayaa dhinacyadda u sheegay in ay isugu yimaadaan fadhiga bisha dambe lana yimaadaan caddeymo dheeri ah kadibna go'aan ka qaadanayaan dooda darafyadda.
GAROWE ONLINE