Sooyaalka Robert Mugabe: Cabqarigii reer Zimbabwe ee geeriyoodey

Image

HARARE, Zimbabwe – Madaxweynihii hore ee Zimbabwe, mid kamid ah hogaamiyeyaashii Afrika soo maray kii ugu xilheynta badnaa, cabqari la diriray isticmaarkii Ingiriiska, Robert Mugabe, waa uu geeriyooday.

Iyadda oo aanan fahfaahin buuxda laga hayn sababta keentay dhimashadiisa, haddana bilooyin ayuu Isbitaal ugu jiray waddanka Singapore, halkaasi oo loo dhigay xanuuno aan wali la ogaan waxay yihiin.

Madaxda caalamka – kuwa ay saaxiibo ahaayeen iyo kuwa ay aragti ahaan iska soo horjeedeen marka siyaasadda laga hadlayo – ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u direen ehelkiisa iyo asxaabtiisa, iyaga oo u rajeeyay naxariis.

Kumuu ahaa Robert Mugabe?

Bishii Febraayo 21-keeda sanadkii 1924-tii ayuu ku dhashay Kutama oo ku taala Waqooyi Bari ee magaaladda caasimada ah ee Harare.

Dadka isaga yaqaana waxay ku tilmaamaan arday wax bartay, oo xitaa buugaagta qaadan jiray marka uu Xoolaha soofinayo.

Sanado kadib markii uu waxbarashada heerarkeeda kala duwan uu dhameystay ayaa waxaa loo tababaray Macalinimo.

Kadib dhaliilo uu u jeediyay, 1964-tii waxaa xirtay dowladii Rhodesian, intii lagu guda jira hal-gankii xorriyadnimo u dirirkii oo ay isaga dulqaadeen Britain.

Kadib doorasho qabsoontay iyadda uu gumeysi jiro, waxaa 1980-kii loo doortay hogaamiyaha waddankaasi dhaca koonfurta Afrika.

Intii uu xabsiga ku jira oo tobanaan sano ah ahanna maxbuus siyaasadeed, waxaa mar loo diidey in uu ka qeybgalo aaska cunug ay u dhashay xaaskiisii ugu horeysay.

Hadalada aadka layaabka u leh ee laga hayo waxaa kamid ah in uu mar sheegay in uu Madaxtooyadda baaqi kusii ahaan doonto inta uu ka noqonayo 100-jir.

Burburkii riyadiisa

Isbedel weyn ayaa dhacay markii bishii November 2017-kii uu ku dhawaaqay in uu is-casilayo kadib mudaaharaadyo waaweyn oo dalka ruxay, taasi oo soo afjartay yoolkiisa siyaasadeed ee Madaxtooyadda.

Ku xigeenkiisii uu sida lama filaamka ah ku eryay Emmerson Mnangagwa ayaa bedelay, oo sheegay in uu aad uga naxay dhimashadda Mugabe, kaasi oo dunida ku mac-salaameeyay isaga oo 95-sano jir ah.

"Aad ayaan uga murugoodey geerida naxdinta leh ee ku timid aas-aasihii Zimbabwe," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, isaga oo xaqiijinaya geerida.

Waxyaabaha aadka loogu xusuusan doono ayaa waxaa kamid ah; dhaleeceynta reer Galbkeedka oo uu tilmaamay in ay wadaan "gumeysi casri ah" iyo olalihiisa ku aadan in Afrikaanku maamushaan kheyraadkooda.

Si lamid ah waxaa loogu xusuusanayaa weerarkiisa furan ee Maxkamadda Dambiyada Caalamka oo uu ku sifeeyay mid kaliya lasoo taago hogaamiyeyaasha Afrika, talaabo ay soo dhaweeyeen madax badan.

Sikastaba ha ahaatee, dadka reer Zimbabwe ayaa aragti ahaan aad ugu kala qeybsan shaqsiyada Mugabe, qaarkood waxay u arkaan "halyeey" halka kuwa kale ay ku tilmaamaan "qabqabe dhibaato u horseeday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zimbabwe oo hilib maroodi u qeybinaysa dadka abaaraha saameeyay

Go’aankan ayaa qayb ka ah qorshe lagu xakameynayo tirada maroodiga ee ku nool keymaha dalkaas.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 09:17AM

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Ethiopia wali kama quursan baadi-goobka Badda

“Dalka aan 120 milyan qof ka kooban yahay oo ku xeeran biyo, waa xaq iyo cadaalad in loo helo marin badeed,” ayuu yiri.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 07:41AM