South Sudan: Tobban qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed

Image

JUBBA, South Sudan – Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta Suudaan, sidda uu shaaciyey agaasimaha garoonka diyaaradaha Juba oo qoraal soo saaray gelinkii dambe ee Talaadada soona xigatay wakaaladda Anadolu Agency.

Dhanka kale, South Sudan News Now, oo ah wargeys maxalli ah, ayaa wariyay in diyaaradda ay ku dhacday Jonglei ee Gobolka Uror dhowr daqiiqo ka dib markii ay u ambabaxday magaalada Jubba oo ay ka duushay garoonka diyaaradaha Pieri, oo ku yaal woqooyiga caasimadda, iyadoo dhammaan sideedii rakaab iyo labadii duuliye ee diyaaradda saarnaa ay dhinteen.

Diyaaradda ayaa ku dhacday duleedka gobolka Pieri Payam 5-tii galabnimo. waqtiga maxalliga ah (7 pm GMT), ayuu ku daray wargaysku.
Diyaaradda ayaa ah nooca ganacsiga oo ay maamusho South Sudan Supreme Airlines, sidda laga soo xigtay ilo deegaanka ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aqoonsiyada rakaabka ku nafwaayey shilkaas wali la baarayo.

Tani waa dhacdadii labaad ee noocan oo kale ah oo ay ku lug-yeeshaan diyaaradaha ay maamusho shirkaddan diyaaradeed.

Midkii ugu horreeyay waxay dhacday sanadkii 2017-kii kadib markii diyaarad ay leedahay shirkadda South Supreme Airlines oo uu dab qabsaday oo ay gashay shil, hasa ahaatee, nasiib wanaag ma jirin wax dhimasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM