Su'aallo ka dhashay geerida nin hal habeen maalqabeen ku noqday

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Michael Gebru, oo 41-sano jir ah, kaasi oo laba sano kahor hal baneen ku noqday Milyineer ayaa wuxuu ku geeriyooday Itoobiya.

Shaqsigan oo dhalasho labaad ka haystay Canada ayaa waddankiisa hooyo u tegay kormeerida meesha uu ku dhashay oo xaalado laga soo wariyey.

Illaa iyo haatan ma cadda waxa sababay dhimashadda ruuxan. Balse su'aallo badan oo ka dhashay ayaa laga dhowrayaa baaritaan socda.

Gebru ayaa ku guuleystay sanadkii 2017-kii baqtiyaanasiib ku xusan 10 milyan oo dollar-ka Mareykanka. Balse isaga wuxuu filayey 14-milyan.

Sosuna Asefaw, oo ina-adeertiisa ah, taasoo sheegtau in la dilay Gebru ayaa caawimaad waydiisatay safaaradda Canada ee Addis Ababa.

Sosuna Asefaw, oo ina-adeertiisa ah, taasoo sheegtau in la dilay Gebru ayaa caawimaad waydiisatay safaaradda Canada ee Addis Ababa.

"Hadii aan ku guuleystay, waxaan lacagta siin doonaa dadka u baahan," waxay qayb ka ahaayeen hadaladda Gebru yiri kahor guusha noloshiisa bedeshay.

Safaaradda oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa waxay tacsi u dirtay ehelka, balse ma aysan ka waramin talaabadda xigta oo ay qaadi doonto.

Sikastaba ha ahaatee, Michael Gebru oo todobaadyo kahor ku laabtay Itoobiya ayaa Canada wuxuu kaga noolaa magaaladda Toronto, halkaasoo looga baroor-diiqey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM