Su'aallo ka dhashay geerida nin hal habeen maalqabeen ku noqday

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Michael Gebru, oo 41-sano jir ah, kaasi oo laba sano kahor hal baneen ku noqday Milyineer ayaa wuxuu ku geeriyooday Itoobiya.

Shaqsigan oo dhalasho labaad ka haystay Canada ayaa waddankiisa hooyo u tegay kormeerida meesha uu ku dhashay oo xaalado laga soo wariyey.

Illaa iyo haatan ma cadda waxa sababay dhimashadda ruuxan. Balse su'aallo badan oo ka dhashay ayaa laga dhowrayaa baaritaan socda.

Gebru ayaa ku guuleystay sanadkii 2017-kii baqtiyaanasiib ku xusan 10 milyan oo dollar-ka Mareykanka. Balse isaga wuxuu filayey 14-milyan.

Sosuna Asefaw, oo ina-adeertiisa ah, taasoo sheegtau in la dilay Gebru ayaa caawimaad waydiisatay safaaradda Canada ee Addis Ababa.

Sosuna Asefaw, oo ina-adeertiisa ah, taasoo sheegtau in la dilay Gebru ayaa caawimaad waydiisatay safaaradda Canada ee Addis Ababa.

"Hadii aan ku guuleystay, waxaan lacagta siin doonaa dadka u baahan," waxay qayb ka ahaayeen hadaladda Gebru yiri kahor guusha noloshiisa bedeshay.

Safaaradda oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa waxay tacsi u dirtay ehelka, balse ma aysan ka waramin talaabadda xigta oo ay qaadi doonto.

Sikastaba ha ahaatee, Michael Gebru oo todobaadyo kahor ku laabtay Itoobiya ayaa Canada wuxuu kaga noolaa magaaladda Toronto, halkaasoo looga baroor-diiqey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM