Sudan iyo Itoobiya qarka u saaran dagaal milatari

Image

KHARTUUM, Sudan - Suurtgalnimada isku-dhac milatari oo dhexmara wadamadda Suudaan iyo Itoobiya ayaa sii kordheysa xilli xiisadda labada waddan ee xuduudka ay cirka isku-sii-shareereyso.

Taliska milatariga Sudan ayaa sheegay in dhigooda Itoobiya ay weerar ku qaadeen degaano dhaca xadka isla markana ay dileen dad shacab ah.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa warisay in taliska ciidanka Suudaan uu "diyaar u yahay in uu difaaco dadkiisa iyo dhulkooda".

"Maleyshiyaadka Itoobiya looma ogolaan doono in ay kuso laabtaan dhulkii ay horey u xukumi jireen," ayuu ku daray taliska, sidda ku xusan warbixinta.

Talaadadii, Itoobiya ayaa ku eedeysay ciidamadda Suudaan in ay "kusoo xadgudbeen" sohdinteedda, waxaana ay carabka dhufatay in muranka kala dhaxeeya Addis Ababa iyo Khartuum aan wali ka xalin.

Jimcadii, Guddiga xuduudaha Itoobiya ayaa soo saarey bayaan uu ku sheegayo in muranka labada dal uu jiro qarni kahor isla markaana ay tan iyo waqtigaas ay xaaladu ku daganeyd heshiis la saxiixay 1902.

Labada waddan ayaa isku haya degaanka dhul beereedka caanka ku ah ee Al-Fashqa. Labada dhinacba waxay isku eedeynayaan in ay kala hubeynayaan maleyshiyo halkaas ka dagaalama. Mar walba oo midkoodba uu kan kale eedeeyo, dhinaca kale wuu beeniyaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM