Sudan: Kummanaan qof oo dagaalka ku barokacay oo guryohoodii dib ugu laabtay

Image

In ka badan 55,000 oo Suudaaniyiin ah oo gudaha dalkaasi ku barokacay ayaa dib ugu laabtay degaannada ku yaalla koonfurta bari ee gobolka Sennar, ka dib in ka badan bil ay ciidamadu gacanta ku hayeen halkaasi oo ay kala wareegeen fallaagada hubeysan, sida uu Sabtida maanta ah sheegay Ururka Socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegay in kooxaheedii goobta joogay "ay kormeereen dib u laabashada" dad lagu qiyaasay 55,466 barokacayaal ah oo ku soo laabtay guud ahaan gobolka Sennar" intii u dhaxaysay 18-kii Disembar 18 iyo 10-kii Janaayo.

Laakin QM ayaa sheegtay in 21 bilood oo dagaal ah uu ka socday dalkaasi uu abuuray qalalaasihii barakac ee ugu xumaa dunida kaasi oo guryahooda ka ceyriyay dadka ka badan 12 milyan oo qof.

Macaluul ayaa looga dhawaaqay qaybo ka mid ah Sudan, laakiin khatarta ayaa ku sii fidaysa malaayiin qof oo kale, oo ay ku jiraan aagagga waqooyiga Sennar, sida lagu ogaaday qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageertay oo la shaaciyay bishii hore.

Bishii November, ciidanka Suudaan, oo tan iyo bsihii April ee 2023-kii la dagaallamaya Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee (RSF) ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Sinja, oo ah caasimadda gobolka Sennar oo muhiim u ah isku xirka deegaannada ay ciidamadu ka taliyaan ee bartamaha iyo bariga Suudaan.

AFP

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM