Sudan "oo dib u qabsatay" dhul ay isku hayeen Ethiopia

Image

KHARTUUM, Sudan - Sudan ayaa la wareegtay gacan ku haynta inta badan dhul ay ku eedeysay inay horey u qabsadeen dad Ethiopian ah, oo ku yaalla xuduudda labada dal, waxaa sidaas sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas.

Labada dal ayaa waxaa u dhaxeeya muran salka ku haya dhul beereed ku yaalla magaalada al-Fashqa, oo ku dhex taalla xuduudda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Sudan, hase yeeshee ay degan yihiin beeraley Ethiopian ah.

Deegaanka ayaa waxaa dhowaanahan ka dhacayey isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo Ethiopia, ayada oo labada dhinac uu midba mid kale ku eedeynayo inuu rabshadaha billaabay. Labada dal ayaa horraantii toddobaadkan wada-hadallo ku yeeshay Khartoum.

“Waxaan aaminsan nahay in dhibaato kasta lagu xaliyo wada-hadal, hase yeeshee ciidankeena waxay gudan doonaan waajibkooda ah inay dib usoo celiyaan dhammaan dhulkeena. Iminka waxay dib ula wareegeen 60% illaa 70% dhulka Sudan,” waxaa sidaas yiri wasiirka warfaafinta Sudan Faisal Salih oo la hadlay Reuters.

Waxa uu sheegay in ciidamada Sudan ay si difaacayeen, islamarkaana rabshadaha ay qaboobeen labadii maalmood ee tegay.

“Warbixinada sirdoonka Sudan waxay xaqiijiyeen diyaar garowga, tababarka iyo hubeynta ciidanka nasoo weeraray aysan ahayn maleeshiyo balse ay ahaayeen ciidan caadi ah,” ayuu yiri Salih.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Ato Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyey militariga Sudan inay weerarada fulinayeen tan iyo 9-kii November.

“Dalagyadii beeraleyda Ethiopia waa la bililiqeystay, xerooyinkoodii ayaa lasoo weeraray waxaana laga horistaagay inay dhulkooda beertaan. Sidoo kale tiro shacab ah ayaa la dilay oo la dhaawacay,” ayuu yiri.

VOA

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM