Suudaan: In ka badan 20 qof oo lagu dilay weerar madaafiic ah

Image
Kooxdan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in dhimashadan ay tahay tii ugu xumayd.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay kadib markii ay ciidamada hubeysan ee RSF ay weerar ku qaadeen magaalada Al Fashir, sidda ay sheegeen kooxda u ololaysa dimuqraadiyada.

Kooxdan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in dhimashadan ay tahay tii ugu xumayd kadib todobaadyo is-mari-waa xooggan uu ka taagnaa dhinaca dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

Guddiyada iska caabinta Al Fashir ayaa Facebook ku sheegay Sabtidii in RSF ay madaafiic ku garaacday suuqyada, isbitaallada iyo guryaha la deggan yahay, waxayna adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn si ay u beegsato isbitaal.

Magaaladu waa goobtii ugu dambaysay ee ciidanka qaranku kaga hareen gobolka Darfur, waana furaha dagaalka ay kula jiraan RSF, taas oo Suudaan ka dhigtay xaalad bini'aadantinimo tii ugu xumayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM