Suudaan oo go'aan cusub kasoo saartay isticmaalka Khamrada

Image

KHARTUUM, Sudan – Dowladda Suudaan ayaa waxay meelmarisay sharci u ogolaanaya Masiixiyiinta in ay gudaha dalkaas ku cabaan Khamriga, sidda uu shaaciyey Wasiirka Cadaaladda, Nasur Aldin Abdul Bari.

Xeerkaan ayaa waxaa la ansixiyey asbuucii lasoo dhaafay, balse waa markii ugu horeysay oo dowladda ay fagaare kusoo bandhigto.

Tani ayaa waxay soo afjareysaaa muddo dhan 30-sano ah oo mamnuuc ay ka ahayd waddankaas in lagu dhex isticmaalo Khamriga.

"Waxaan meesha ka saari doonaa dhamaan shuruucda xadgudubka ku ah xuquuqda aadanaha gudaha Suudaan," ayuu Nasur Aldin ku yiri wareysi uu siiyey telefishinka ku hadla afka dowladda Suudaan.

Diinta Islaamka ayaa waxay mamnuuceysa ka ganacsiga iyo isticmaalka Khamriga, oo dhibaatooyin caafimaad u keenaya qofka.

Dhanka kale, xukuumadda Khartuum ayaa waxay gabi ahaanba waxay mamnuucday gudniinka fircooniga oo aad ugu badnaa dalkaas.

Isbedeladan ayaa dhacaya kadib markii la riday Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaas xukumayey muddo 30-sano ah. Xubnaha dowladda hadda jirta, waxay isugu jiraan kooxo kala duwan oo ololahaas hormuud u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM