Dayax-gacmeedkii ugu horeeyay ee Suudaan oo hawada loo diray

Image

KHARTUUM, Suudaan – Dayax-gacmeedkii ugu horeeyay ee Suudaan ay u direyso cilmi baaris la xiriirta milatariga, dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda hawada ayaa waxaa gannay Shiinaha.

Golaha maamulaya dalkaas dhaca qaaradda Afrika ayaa si rasmi ah wuxuu ugu dhawaaqay warkan.

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, madaxa golaha madaxa banaan, ayaa Talaadadii tilmaamay in dayax-gacmeedka lagu diray kulan ka qabsoomay magaaladda caasimada ah ee Khartuum.

Sidda laga soo xigtay al-Burhan, shirkaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha ugu sareysa hay'addaha ammaanka.

"Ujeedka dayax-gacmeeda waa horumarinta Tiknoolajiyadda hawada, helitaanka xog si lamid ah wax soo saarka kheyraadka ee uu milatariga u baahan yahay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Xinhua, wakaaladda wararka ee China, ayaa xustay in dayax-gacmeedka Sudan Remote Sensing Satellite [SRSS-1] laga gannay Axadii gobolka ku yaala waqoyga Shiinaha ee Shanxi.

Afhayeen u hadlay Golaha talada haya, Mohamed al-Faki, ayaa u sheegay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP, "in muddo bilo gudahooda ah laga soo maamuli doono Suudaan".

"Shiinaha wuxuu u gannay dayax-gacmeedka maadaama uu qayb ka yahay mashruucan," ayuu raaciyey.

Suudaan, dal la diriraya dhaqaalo burbur, ayaa sanadihii u dambeeyay ajandeyaashiisa ugu horeeya waxaa kamid ahaa dhaqdhaqaaqyada la xiriira hawada iyo macluumaadka bariga.

2013-kii, dowladdii Suudaan ee uu hogaaminayey madaxweyne Cumar Al-Bashiir, ayaa sameysay Machadka Daraasaadka Culuumka Hawada, taas oo qayb ka ah horumarinta Tiknoolajiyadda.

Al-Bashiir oo ay milatariga xukunka ka tuureen bishii April kadib mudaaharaadyo ka dhashay sarre u kaca maciishada kuwaas oo dalka ruxay ayaa hadda xabsi ugu jira eedeymo musuqmaasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM