Suudaan oo ku eedaysay IGAD ku xad-gudbka madaxbanaanida wadamada xubnaha ka ah

Image
IGAD ayaa Hemedti u fidisay Casuumaad si uu uga qeyb galo shir madaxeedka la qaban doono 8-da bisha.

Khartoum (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa ku eedaysay urur goboleedka IGAD in uu isu beddelay “qalab lagu shirqoolayo Suudaan iyo dadkeeda”, waxayna bayaan ay soo saartay ku dhaleecaysay mas’uuliyiinta martiqaadka u fidiyay taliyaha ciidamada taageerada degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti”.

IGAD ayaa Hemedti u fidisay Casuumaad si uu uga qeyb galo shir madaxeedka la doonayo in lagu qabto caasimadda Uganda ee Kampala, Khamiista 8-da bisha Janaayo.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay, "Tallaabadan waxa ay horseedi doontaa in la burburiyo kalsoonida lagu qabo IGAD, waxaana sabab u ah in uu wiiqo madaxbanaanida wadamada xubnaha ka ah”.

Dowladda Suudaan ayaa war-saxaafadeed gaar ah oo ay soo saartay ku sheegtay inaan loo baahnayn shir-madaxeedka cusub ee IGAD ay doonayso in Khamiista la qabto haddii aan la fulin qodobbadii ka soo baxay shir madaxeedkii kan ka horreeyay ee 9-kii bishan December lagu qabtay dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM