Suudaan: Qarax ka dhacay xaflad aroos oo khasaaro culus sababay

Image

KHARTUUM, Sudan – Shan qof ayaa ku dhimatay markii xaflad aroos oo ka socotay Suudaan uu ka dhacay qarax, sidda u sheegay booliska.

Sidda ku xusan warbixinta bileyska, qaraxa ayaa ka dhashay bam uu qarxiyey askari ka tirsan laamaha ammaanka.

Ma cadda hadii qarxinta ay ahayd ku talagalay ama mid shil ah. Saraakiisha waxay ku adkeysteen in baaritaan uu socdo.

Munaasabadda ayaa ka socotay degmada caanka ah ee Xaaji Yuusuf oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in 40 kale oo kamid ahaa martida ay ku dhaawacmeen falkaas.

Bukaanada oo badankooda ah dad waaweyn ayaa qaarkood laga dayrinayaan xaaladooda caafimaad, sidda ku cad warbixinta booliska.

Sikastaba ha ahataee, xasiloonida Khartuum ayaa ahayd mid aan cago badan ku taagneyn tan iyo markii la afgembiyey Cumar Xasan Al Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM