Taliyaha Ciidanka Uganda: Soomaaliya oo xasiloon waa xasiloonida Afrika

Image

KAMPALA, Uganda – Kadib burburkii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee 1991-dii, Soomaaliya ayaa kasoo kabaneysa colaado galaaftay nolosha shacab badan, inkasta oo wejiyo kala duwan ay lahaayeen.

Marka loo eego goobta uu dalkan uga yaalo Afrika, hubanti la’aan ah wuxuu muhiim u yahay mandiqadda, waana sababta loo yiraahdo wax kasta oo ku dhaca, way saameynayaan wadama kale ee qaarada.

Isaga oo taasi ka duulaya, taliyaha Ciidamadda Difaaca ee Uganda, David Muhoozi, ayaa xoojiyey ahmiyadda ay leedahay in caqabadaha ay wajaheyso qaaradda si wadajir ah wax looga wada qabto.

"Kordhinta xorreynta Afrika, waa niyadda aan u aadnay Soomaaliya. Soomaaliya oo xasiloon waa xasiloonida Afrika," ayuu Muhoozi ka sheegay munaasabad ka qabsoontay magaaladda Kampala, Jimcadii.

Xafladda oo marti sharaf kala duwan ay kasoo muuqatay ayaa lagu soo dhaweeyay 2,000 oo askar kuwaasi oo kasoo laabtay Soomaaliya kadib markii uu waqtigooda u soo dhamaadey.

Ciidamada Muqdisho ka degay oo tiradooda ay gaareysay shan boqol ayaa waxaa ka tirsanaa Ilaaladda Gaarka ah ee shaqaalaha Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

"Inagga oo ku mahdineynay in Afrika ay leedahay quluub, iska dhowreyna daneysasho, waxaan haatan arkaynaa horumar ay Soomaaliya sameynayso, kaasi oo xowli ku socda," ayuu kusoo xiray.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadda ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo waddanka ka bilowday sanadkii 2007-dii, wallow aad loo dhaliilo wax-qabadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya iyo Jabuuti oo Xoojinaya Iskaashiga Milatari si looga Hortago Khataraha Gobolka Geeska Afrika

Janaraal Teshome ayaa martida Jabuuti ku soo dhaweeyey si kal iyo laab ah, isagoo tilmaamay in Itoobiya iyo Jabuuti...

  • Afrika

    30-07-2025

  • 06:46AM

Alassane Ouattara oo shaaciyey inuu mar afaraad u taagan yahay doorashada Ivory Coast

Ouattara oo 83 sano jir ah ayaa sheegay in caafimaadkiisa iyo dastuurka dalka ay u oggol yihiin inuu xilka sii hayo.

  • Afrika

    30-07-2025

  • 05:22AM