Taliyaha cusub ee AFIRCOM oo kusoo wajahan Bariga Afrika

Image

NAIROBI, Kenya – Isla markii uu la wareegay taliska howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jenaraal Stephen J. Townsend ayaa kormeeray howlgaladda qaaradda ka socda ee AFRICOM ay wado.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay magaaladda Stuttgart ee waddanka Jarmalka ayuu Townsend ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorsheyaasha u degan haatan.

"Waxaan ku talogelayaa in aan si qoto dheer u qiimeeyo wax kasta oo uu taliska sameynayo," ayuu yiri, isaga oo u muuqda mid ka hadlaya waxyeelada ka dhashay howlgaladda taliskan.

Todobaadka soo socda, Townsend ayaa la filayaa in uu socdaalkisii ugu horeeyay uu ku yimaado bariga Afrika, halkaasi oo ciidamada Mareykanka ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.

Ma cadda hadii uu Soomaaliya imaan doonan, inkasta oo taliyeyaashii ka horeeyay ay safarkoodii ugu horeeyay ay yimaadeen dalka, iyaga oo la kulmay madaxda dowladda federaalka.

Townsend ayaa wuxuu bedeli doonaa Thomas Waldhauser kaasi oo gebi ahaanba isaga fadhiistay shaqadda kadib muddo uu dusha kala socday howlgaladda meelo ay ku jirto Soomaaliya.

AFRICOM ayaa si lamid ah waxay duqeymo dhanka cirka ah ay ka fulisaa Qaramadda Libya iyo Niger, halkaasi oo ay kula dagaalaman xoogaga Boko Xaraam iyo Daacish.

"Sharafay geesinimo ah bay ii tahay in aan saddex sano kala shaqeynayey saaxiibadeen Afrika xasilinta iyo nabad kusoo dabaalida guud ahaan qaaradda," ayuu Waldhauser xafladda.

Taliyaha cusub oo noqon doona hogaankii Shanaad ee AFRICOM tan iyo markii la aas-aasey 2008-dii ayaa horey soo noqday madaxa tababarada ciidamada Mareykanka iyo howlgalka Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM