Taliye Kenyaan ah oo yimid Soomaaliya kahor qorshaha bixitaanka

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Sarkaal sarre oo ka tirsan milatariga Kenya ayaa booqasho ku tegay gobolka Jubada Hoose koonfurta Soomaaliya. Walter Koipaton wuxuu kormeeray ciidankooda kamid ah howlgalka AMISOM.

Koipaton, oo haatan ah Taliye ka tirsan Ciidanka Kenya, ayaa indha-indheeyay xerooyin ku yaala magaalooyinka Bilis-qooqaani iyo Dhoobley. Ma cadda ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya socdaalkan aan lasii shaacin.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Walter Koipaton ayaa daah-furay mashruuc lagu keydinayo biyaha roobka oo laga dhex-hirgeliyey gudaha saldhig ay ciidanku ku leeyihiin magaaladda Buur-gaabo ee isla gobolkaas.

"Wuxuu xaqiijiyey doorka ciidamaddu ku leeyihiin nabada kusoo dabaalida Soomaaliya taasoo qeyb kamid ah la gaarey," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamadda difaaca waddanka Kenya.

Mas'uuliyiinta Jubaland ayaan wali wax war ah kasoo saarin socdaalka Koipaton oo ah sarkaalka saddexaad ee ugu awooda badan KDF-ta.

Bilooyin kahor ayay ahayd markii taliyaha guud ee ciidamadda Kenya, Roberto Kibochi, uu socdaal noocaan ah ku tegay degaanada Jubaland oo ay intooda badan ku sugan yihiin ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM.

Kormeerka Walter Koipaton ayaa imaanaya iyaddoo bilooyinka soo aadan qorshuhu yahay in la dhaqan-geliyo ka bixitaanka ciidanka Kenya ee AMISOM, arrintaas oo daba socota qorshaha kala guurka ee ammaanka.

Ciidamadda dalka Kenya ayaa u soo galay Soomaaliya in ay nabad-gelyadda waddankooda ka ilaaliyaan xoogaga Al-Shabaab. Tan iyo markii ay ku biireen AMISOM, waxaa soo gaarey waxyeelo nafeed iyo mid dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM