Taliyeyaal afgembiyay dalalkooda oo isbaheysi cusub sameystay

Image
Hogaamiyeyaasha militariga ee Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa dharbaaxo ku dhuftay ururka ECOWAS.

NAIROBI, Kenya - Shirka madaxda Galbeedka Afrika ayaa furmay Axaddii iyadoo ay jirto qalalaase siyaasadeed ka dib markii hogaamiyeyaasha militariga ee Niger, Mali iyo Burkina Faso ay sameysteen urur.

Saddexda dal ayaa ku dhawaaqay inay samaysanayaan urur cusub, waxaana kulankoodii ugu horreeyay ee ay ku gacan sayreen shirka ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS).

Talaabadan ayaa waxay ka dhigan tahay imtixaan kale oo uu wajahayo urur goboleedka oo ay ka go’een horaantii sanadkan.

ECOWAS waxay durba la halgamaysaa rabshado ba'an, dhibaato dhaqaale iyo caqabadaha ururinta ciidan goboleed.

Ma cadda sida ay uga jawaabi doonaan kooxda la wiiqay ka dib markii Niger, Mali iyo Burkina Faso ay aqbaleen heshiis lagu dhisayo "Confederation of Sahel States" ee kadib kulan Niamey ka dhacay Sabtidii.

Dawladaha milateriga ee saddexdaas waddan ayaa xukunka ku qabsaday afgambi isdaba joog ah sannadihii u dambeeyay, waxaanay ku dhawaaqeen inay si wadajir ah uga baxeen ECOWAS bishii Janaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM