Taliyihii awooda badnaa ee Ciidamadda Algeria oo geeriyooday

Image

ALGIERES, Algeria – Taliyihii ciidamada Algeria, Jeneraal Axmed Gaid Saalax, ayaa maanta dhintay, sidda uu baahiyey Tv-ga qaranka.

Idaacadda dowladda ayaa sheegtay in Jeneraalka uu ku dhintay Isbitaal ciidan oo ku yaala caasimada kadib xanuun wadnaha ah.

Saalax, oo 79-sano jir ahaa, ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha ugu awooda badan ee Ciidanka Qalabka Sidda ee waddankaas.

Cabdicasisi Bouteflika, madaxweynihii hore ee Algeria, kaasoo bishii April ee sanadkan isu casilay banaanbaxyo, ayuu lasoo shaqeeyay.

Waa kuma Jeneraal Saalax?

Bishii Janaayo, 13-keeda, sanadkii 1940-kii ayuu ku dhashay tuulo ka tirsan gobolka dhaca bariga Algeria ee lagu magacaabo Batna.

Halgankii Algeria la gashay gumeystihii Faransiiska intii u dhaxeysay November 1, 1954 and March 19, 1962 ayuu qayb ka ahaa.

Markii Algeria dib u heshay xorriyadeeda, wuxuu kusii jiray ciidamadda, isagoo 1993 loo dalac-siiyey darajadda Sareeye Guuto.

Sanadkii 1994-tii, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamadda Lugta, waana intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Algeria.

Kadib doorashadii madaxtooyadda ee 2004-tii, Jeneraal Saalax ayaa waxaa loo xushay in uu noqdo Taliyaha guud ee Ciidamadda Qalabka Sidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM