Taliyihii ciidamada gaarka Amxaarada oo loo xiray afgembigii fashilmay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Taliska Booliska is-maamulka Amxaarada ayaa shaaciyey in la xiray taliyihii ciidamada gaarka gobolkaasi.

Gaashaanle Dhexe, Tefera Mamo ayaa lagu waramayaa in uu xabsi waqti xaadirkan ugu jira arrimo shirqoolka la xiriira afgembigii dhicisoobay.

Inqilaabkaasi guuldareystay ayaa waxaa lagu khaarijiyey mas'uuliyiin sar-sare oo uu kamid yahay taliyihii ciidamada Itoobiya.

Xariga Tefera ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dowladdu tilmaamtay in la khaarijiyey hogaamiyihii afgembiga, Jenaraal Asamnew Tsig.

Tsig iyo Tefera ayaa kamid ahaa saraakiishii ciidamada ee uu xabsiga kasoo daayey Abiy Axmed markii uu xilka la wareegay sanad kahor.

Shaqaaqada ka dhacay gobolka ku yaala waqoyga dalka aan badda lahayn ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay madaxweynihii iyo xeer-ilaaliyihii degaankaasi.

Howlgalka lagu soo qatay Tefera ayaa kamid ah talaabooyin ay xukuumadda kaga fal-celineyso kuna soo xireyso shaqsiyaadka lagu tuhmayo falkaasi.

Abiy, oo isbedelo ku sameeyay siyaasada arrimaha dibadda Itoobiya, duufaan isbedel-na ka abuuray Geeska Afrika, ayaa la sheegayaa in uu ka gaabiyey dhanka arrimaha gudaha.

Rabshadaha u dhaxeeya qowmiyadaha oo salka ku haya hanaanka awood-qeybsiga kuwaasi oo taagnaa markii uu Abiy xilka qabtey ayay Qaramada Midoobay shaacisay in ay ku baraceen malaayiin ruux.

Abiy ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ah kuwa ugu tirada badan Itoobiya, balse waxaa la sheegayaa in ay kasoo horjeedan Amxaarada iyo Tigrey-ga oo hogaankiisa aanan la dhac-saneen.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ayaa isaga oo bilooyin xukunka haya waxa uu mar ka badbaaday afgembi iyo isku day ay cutubyo kamid ah ciidamadu doonayaan in ay ku khaarijiyeen.

Gobolka Amxaarada ayaa la sheegayaa inay ka jirto xasilooni aan cago badan ku taagneyn ciidamo federaalka ka socdana lagu arkayo wadooyinka balse xogta la heli karo ayaa yar sababtoo ah Internet-ka oo la xanibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM