Tanzania oo xirtey "dhalinyaro ay qoratay" Ahlu Sunna Waljameeca

Image

NAIROBI, Kenya – Garabka Ahlu Sunna Waljameeca ee Soomaaliya ayaa dhalinyaro ka qoraneysa koonfurta Tanzania si ay ugu tababaraan uguna biiraan maleyshiyo ka howlgala Mozambique, sidda uu wariyey bogga The East African.

Taliyaha guud ee bileyska Tanzania, Simon Sirro, ayaa sheegay in gobolada Galbeedka dhaca ee Mwanza iyo Kigoma ay xireen koox dhalinyarro ah kuwaasoo uu xusay in la qorsheeyay in ay hormuud noqdaan shabakad xagjir.

"Qaarkood waxaanu qabanay iyaga oo kusii jeeda Mozambique si ay ugu biiraan Jihaad-alooslayaasha. Qorshahooda wuxuu ahaa in ay kadib dib ula midoobaan saaxiibadooda ka cararay Tanzania," ayuu hadalkiisa ku daray Sirro.

Ma cadda hadii dhalinyaradda la qorsheeyay in ay dib ugu soo laabtaan Tanzania ayaga oo dabley ah ama ay u socdeen in ay maleyshiyo kamid noqdaan.

Mr Sirro ayaa tibaaxay in "maleyshiyadda Soomaaliya" ay ka faa'iideysaneyso qalalaasaha ka dhashay doorashooyinka Tanzania ee bishii October.

Tan iyo 2017, maleyshiyadda ayaa beegsaneysa gobolka maalgashiga saliida iyo gaaska caanka ah ee Cabo Delgado. Dekad istaraatiiji ah ayaa sidoo kale ku taala gobolkan halkaasoo laga fuliyo mashaariicyo malaayiin ay ku baxeyso.

Sanadkii 2018-kii, booliska Tanzania ayaa galay feejignaan markii uu soo baxo walaac ku aadan in dagaalameyaal dhalinyaro ah ay u socdaaleen Mozambique si ay uga mid noqdaan dhaqdhaqaaq una sameeyaan fal-dambiyeedyo.

Mozambique ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay wajaheysay weeraro kaga imaanayey dabley loogu magac-daray Al-Shabaab balse aan la ogeyn hadii ay gacansaar la leeyihiin Al-Shabaabka fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas, inta badan dadka lagu laayey weeraradaas waxay ahaayeen shacab qaarkood la bireeyay.

Hogaamiyeyaasha wadamada deriska la ah Mozambique ayaa walwal ka muujiyey xaaladda soo korortay waxayna hoosta ka xariiqeen in baahi weyn loo qabo iskaashi heer gobol ah si looga hortago is-balaarinta kooxda argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM