Telefoonkii ugu horeeyay ee Afrika lagu sameeyay oo lasoo bandhigay

Image

KIGALI, Rwanda – Dalka Rwanda ayaa waxaa lagu soo bandhigay telefoonkii ugu horeeyay ee nooca caaqilka ah ee lagu sameeyay qaaradda Afrika.

Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee Mara Group ayaa fulisay mashruucaan, taas oo si rasmi ah ugu dhawaaqday bishii hore ee October.

Mashruucaan ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay si meesha looga saaro telefoonada ay sameeyaan shirkaddaha reer China iyo Kuuriyadda Koonfureed.

Maamulka ayaa tilmaamay in ay illaa iyo haatan soo saareen 34-kun oo xabo, kuwaas oo suuq-geyn badan loo sameyn doono.

Kalyeentiyadii ugu horeeyay ee iibsaday telefoonka ayaa aad u ammaanay, waxayna sheegeen in uu leeyahay wax walba oo loo baahnaa.

"Afrika waa in ay heshaa wax walba oo qaaradda lagu farsameeyay," sidaas waxaa VOA-da u sheegay Samson Adotey, oo macaamiil ah.

Eddy Sebera, oo agaasinka maamulka ka tirsan, ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee hortaala ay tahay sidii ay uga adkaan lahaayeen shirkadaha kale.

"Dadka waxay la qabsadeen telefoonada ay sameeyaan Shiinaha iyo Kuuriyaanka, sidaasi awadeed waa caqabad in aan suuq fiican lehno," ayuu tibaaxay.

Telefoonka lasoo saarey oo ay u dhameystiran yihiin adeegyadiisa ayaa waxaa la filayaa in lagu faafiyo guud ahaan qaaradda.

"Sidoo kale, waxaa qabad nagu ah in aan helno adagabyadda sahleysa in la sameeyo telefoonadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Eddy Sebera

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM