Tirada dhimashada banaanbaxyadda dalka Kenya oo korortay

Image
Ugu yaraan 160 qof oo dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

NAIROBI, Kenya - Xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay in la diro saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Kenya (KDF) si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta, sidaas waxaa qortay The Star News.

"Askartu waxay taageeri doonaan booliiska," warbixinta ayaa sidaas lagu sheegay, iyadoo saraakiil ciidan horay loo geeyay dhammaan goobaha la ilaaliyo ee dalka.

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadii Talaadadii ka dhacay dalka Kenya, sida ay sheegtay hay’ad xuquuqul insaanka oo ay dowladdu maalgeliso.

Tirokoobkan ayaa waxay xaqiijinaysa in baaritaan lagu sameynayo waxa ay ku tilmaantay "tiradii ugu badneyd ee dhimasho hal maalin ah ka dhacda dibadbaxyada".

“Waxaan diiwaan gelinay 22 dhimasho ah… waxaan bilaabaynaa baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Kenya.

Odede ayaa waxa ay intaas raacisay in 19 qof ay ku dhinteen caasimadda Nairobi, halkaas oo booliisku ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal xoog ku galay. Baarlamaanka.

"Ugu yaraan 160 qof oo dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay iyadda oo ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso tirokoobka kordhay ee geerida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM