Tirada dhimashada banaanbaxyadda dalka Kenya oo korortay

Image
Ugu yaraan 160 qof oo dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

NAIROBI, Kenya - Xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay in la diro saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Kenya (KDF) si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta, sidaas waxaa qortay The Star News.

"Askartu waxay taageeri doonaan booliiska," warbixinta ayaa sidaas lagu sheegay, iyadoo saraakiil ciidan horay loo geeyay dhammaan goobaha la ilaaliyo ee dalka.

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadii Talaadadii ka dhacay dalka Kenya, sida ay sheegtay hay’ad xuquuqul insaanka oo ay dowladdu maalgeliso.

Tirokoobkan ayaa waxay xaqiijinaysa in baaritaan lagu sameynayo waxa ay ku tilmaantay "tiradii ugu badneyd ee dhimasho hal maalin ah ka dhacda dibadbaxyada".

“Waxaan diiwaan gelinay 22 dhimasho ah… waxaan bilaabaynaa baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Kenya.

Odede ayaa waxa ay intaas raacisay in 19 qof ay ku dhinteen caasimadda Nairobi, halkaas oo booliisku ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal xoog ku galay. Baarlamaanka.

"Ugu yaraan 160 qof oo dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay iyadda oo ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso tirokoobka kordhay ee geerida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM