Tirada ku qaxdey xasuuqa galbeedka Itoobiya oo la shaaciyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ugu yaraan 97,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda waxayna hoy ka dhigteen laba xero kadib markii dabley hubaysan ay ku xasuuqeen in ka badan 200 oo qof Asbuucii la soo dhaafay gobolka galbeedka Ethiopia ku yaala ee Benishangul-Gumuz.

Qiyaastii 50,000 oo ka mid ah barakacayaasha ayaa la dajiyay xero ku meel gaar ah oo ku taal degmada Tana Beles ee Benishangul-Gumuz, halka in ka badan 40,000 ay hoy ka dhigteen xero ku taal aagga Awi ee gobolka Axmaarada, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Mass Mass Amhara.

Sidda ku xusan warbixinta, ciidamadda milatariga ayaa duldhigay dadka in ay baaqi kusii ahaadaan aagaas illaa iyo amar dambe.

Toddobaadkii hore, dabley hubeysan ayaa weerarro ku saleysan isir-qowmiyadeed ka geystay aagga Metekel, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 207 qof rayid ah oo hurdaya.

Ciidamadda federaalka ee la geeyay aaggaas waxay sheegeen in ay ku raadjoogaan dableyda "kuwaas oo 50 kamid ah ay ku dhex-milmeen dadka degaanka".

"Waxay kaloo gubeen guryo badan," ayaa la raaciyey bayaanka kasoo taliska ciidanka federaalka.

Bilihii la soo dhaafey, gobolka galbeedka oo xuduud la leh Suudaan halkaas oo ay ku yaalo biyo xireenka weyn ee Itoobiya kaasoo 5 bilyan dhismihiisa ku bixineyso Addis Ababa, ayaa waxaa ka dhacay xasuuqyo dhowr ah oo salka ku haya isir-sifeyn loona geystay Amxaarada, Oromada iyo Shinashas.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo booqday aagga ka hor weerarkii ugu dambeeyay, ayaa ka digay in tallaabooyin adag laga qaado kuwii ka dambeeyay. Balse, wuxuu ka fogaadey in uu bixiyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan talaabooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM