Tiradda guud ee dhimashadda weerarka baska Kenya oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa sheegay in xubno looga shakisan yahay Al-Shabaab ay joojiyeen bas ku socdaalayey waqoyga dalkaas gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya ayna dileen sideed ruux.

Dhamaan dadka la laayey ayaa ah Masiixiyiin, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxday Taliska booliska oo warbaahintu heshay. Wararka qaar ayaa geerida gaarsiinaya tobban qof.

Wakaaladda wararka AP ayaa ku warantay in dableyda ay joojiyeen baska isla markaana ay beegsadeen dadka aan u dhalan degaanka.

Fahfaahinta ayaa badi dadka la toogtay ku tilmaameysa saraakiil boolis oo kasoo laabtay saldhigyadda Ceelwaaq iyo Mandera.

Xoogaga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaan.

Ururkan xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa shaaciyey in uu ku ciqaabi doono Kenya askarta ay u dirtay Soomaaliya ee ka tirsan AMISOM.

Mid kamid ah weeraradii ugu xumaa oo ay ka fuliso gudaha waddanka Kenya, Al-Shabaab ayaa sanadka markii uu ahaa 2014-kii afduubatay bas ku socdaalayey Mandera, waxayna dishay 28 ruux oo Masiixiyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM