Tobanaan ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Suudaan

Image

KHARTUUM, Sudan – Diyaarad uu lahaa milatariga dalka Suudaan oo Khamiistii burburtay waxyar kadib markii ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee ismaamul goboleedka Galbeedka Darfur ayaa dishay 18 ruux.

Afhayeen u hadlay ciidanka, Amer Maxamed Al-Xasan, ayaa bayaan ku sheegay in diyaaradda nooceedu ahaa Antonov 12 ayna soo dhacday shan daqiiqo kadib markii ay ka kacday madaarka El Geneina.

"Shan kamid ahaa shaqaalaha, saddex garsoore, iyo sideed muwaadiniin oo ay ku jiraan afar caruur ayaa ku dhimatay shilka," ayuu raaciyey.

Baaritaan ku saabsan qaabka uu shilka u dhaca ayaa la bilaabay, sidda ku cad war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Al-Xasan.

Diyaaradda ayaa gargaar caafimaad u wadday magaaladda El Geneina, oo ah caasimadda ismaamul goboleedka Galbeedka Darfur.

Al-Xasan oo tacsi u diray eheladda dadka dhintay ayaa tilmaamay in dhamaan kuwa geeriday ay saarnaayeen diyaaradda.

El Geneina ayaa horey u martigelisay isku dhacyo qabiil si gaar ah maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in ay ku naf-waayeen tobanaan qof oo badankooda lagu tilmaamay in ay ahaayeen shacab dadka degaanka ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM