Tobanaan ku dhintay doon ku degtay Mediterranean-ka

Image

TUNIS, Tunisia – Qiyaastii 20 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa meydkooda la helay Khamiistii kadib markii doontii ay tahriibinayeen ay ku degtay badda Mediterranean-ka xilli ay isku dayayeen inay gaaraan Yurub, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waddanka Tunisia.

Shan ka mid ah dadkii ka badbaaday shilka ayaa la hayaa, waxaana ciidamada badda ee Tunisia ay raadinayaan illaa 20 kale oo weli la rumeysan yahay inay maqan yihiin.

Doomaha ilaalada xeebaha Tunisia iyo kalluumeysatada maxalliga ah ayaa helay kana soo saaray meydadka biyaha xeebta Sfax ee bartamaha Tunisia, afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Mohamed Ben Zekri ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

"Sida laga soo xigtay badbaadayaasha, doonta tahriibinta muhaajiriinta waxay waday 40 ama 50 qof oo kusii jeeday Talyaaniga," ayuu Ben Zekri ku daray.

Doonta oo duug ahayd waxaa la saaray tan ka badan intii loogu talagalay, waxayna la kulantay dabeylo xoog leh subaxnimadii Khamiista oo laga yaabo inay ka qayb qaateen degitaanka, sidda uu ka dhawaajiyey afhayeenka Ciidanka Qaranka Tunisa, Cali Ayari, kaasoo intaas ku daray in tahriibayaashu kasoo jeedaan dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.

Cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee Tuuniisiya ayaa baadi goobaya dadka kale ee la la'yahay kuwaasoo ay rajeynayaan in ay soo helaan.

Masuuliyiinta Tunisia ayaa xusay in dhowaan ay qabteen dhowr doonyo tahriibayaal ah balse tirada isku dayga way sii kordheysaa, gaar ahaan inta udhaxeysa gobolka Sfax iyo Jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

In ka badan 1,100 muhaajiriin ah ayaa ku dhintey ama lagu waayey badda Mediterranean sanadkan, sida lagu qiyaasey warbixin kasoo baxdey hay’adda caalamiga ee socdaalka.

Doomaha tahriibayaasha muhaajiriinta ah ayaa had iyo jeer ka taga xeebta Tunisia iyo Libya oo deris ah iyaga oo dad ka keena Afrika oo dhan, oo ay ku jiraan tiro sii kordheysa oo reer Tunisia ah oo ka cararaya dhibaatooyin dhaqaale oo daba dheeraaday ee ka jirta dalkooda.

Tuniisiyaanka ayaa sanadkan marin u ah tirada ugu badan ee tahriibayaasha gaaraya Talyaaniga, in kasta oo Rome ay wado dadaalo ay kula xaajooneyso Tunisa si ay u joojiso marinkaas.

Sidda ay sheegtay wakaaladda wararka AP, 34,001 muhaajiriin ah oo gaaray Talyaaniga tan iyo bilowgii 2020; 12,847 waxay ahaayeen Tuuniisiya, ama 38%. Bangaladhesh waa dalka labaad ee ugu badan, waxaase kasii dambeeya Ivory Coast, Algeria, Pakistan iyo Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM