TPLF oo hubkii ugu cuslaa ay haysatay u adeegsatay colaada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xoogaga TPLF ayaa waxaa lagu waramay in ay Jimcadii weerareen goobo ay kamid yihiin garoomo diyaaradeed kuna yaala ismaamul goboleedka ay deriska yihiin ee Amxaarada.

Dowladda Itoobiya oo xaqiijisay weeraradaas ayaa sheegtay in falaagada ay adeegsatay "hubkii ugu cuslaa oo ay haysatay".

Hay'adda xukuumadda Addis Ababa u qaabilsan hubinta xaqiiqooyinka deg-deg ah ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey waxay ku caddeysay in hubkaas ay TPLF adeegsatay uu ahaa Gantoolo dhowr xabo ah.

Sidda laga soo xigtay qoraalkaas ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, burbur ayaa soo gaarey goobaha la beegsaday oo ay kamid yihiin madaaradda Baahir Dar iyo Gondar.

"Jeegaanta TPLF waxay dayactireysaa oo ay ka faa'iideysaneysaa hubkii ugu dambeeyay ee keydka ugu jiray," ayay tiri hay'adda.

Bayaanka aan daliisha waddan ayaa waxaa la raaciyey: "Tani waxay tilmaameysaa isku-dayadii ugu dambeeyay ee TPLF ku dooneyso in ay kusii jirto. Fahfaahinta dhacdooyinkan waa mid ay baaris ku socoto. Macluumaadka waxaa loosoo bandhigi doonaa sidda ay u kala horeeyaan".

Dhanka kale, warbaahinta ku hadasha afka gobolka ay TPLF ka arimiso ee Tigray ayaa guulo ka sheegatay weerarkaas ay qaadeen.

Waqoyga Itoobiya waxaa in ka badan muddo todobaad ah ka oogan colaad ka dhalatay is-qabqabsi siyaasadeed iyo mid doorasho. Wallow uu khasaaro labada dhinac jiro, wali lama ogga cidda labinta ay ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM