Trump oo farogeliyey muranka biyo xireenka Nile ee Masar iyo Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray wada xaajoodyo ay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ka galaan muranka u dhaxeeya saddex dal ee Afrikaanka ah, sidda uu sheegay Aqalka Cad.

Hogaamiyaha Mareykanka oo khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa wuxuu ku booriyey in uu miiska wada hadalka yimaado, sidda uu baahiyey xafiiska Trump ee Oval.

"Madaxweyne Trump ayaa taageero u muujiyey wada hadaladda Masar, Itoobiya iyo Suudaan si ay heshiis iskaashi uga baaraan biyo xireenka Nile," ayuu yiri Judd Deere, oo ah afhayeenka Aqalka Cad.

El-Sisi oo u mahadceliyey Trump ayaa baraha bulshadda wuxuu ku xoojiyey muhiimadda wada xaajoodyadda saddex geesoodka ah.

"Wada hadalka waa awooda gaarka ah ee lagula tacaali karo colaadaha ayna ku gaari karaan xal waara," ayuu Donald Trump xusay.

Xukuumadda Washington ayaa casuuntay dowladahan si ay u soo afjaraan ismaandhaafka ka dhashay mashruucaan.

Wada hadaladda dhinacyadaan ayaa lagu wadaa in ay Washington DC ka qabsoomaan 6-da bisha November ee sanadkan.

Khaahiro oo diidan mashruucaan ayaa ka cabsi qabta in ay biyo xireenka ku lumiso qayb kamid ah biyaha Nile, halka Addis Ababa ku doodeyso in uu yahay mashruuc horumarin iyo kobac dhaqaale u horseedaya.

Shiinaha, oo kamid ah dowladaha ugu horeeya dhanka mashaariicda noocaan ah ayaa maalgelineysa fulinayana dhismaha biyo xireenka oo qayb ahaan la bilaabay ayna ku baxeyso malaayiin Doollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM